4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Maanta la Wareegay Deegaano Hoos-taga Gobolka Hiiraan


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Kaddib howlgal ballaaran oo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lagu waramayaa in ay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanno ay horay u maamulayeen Al-shabaab.

Howlgalka oo ah mid saf ballaaran ah oo ka socda gobollada Hiiraan iyo Bakool, ayeey ciidammada huwanta saacadihii ugu danbeeyay qabsadeen deegaanno ay ka mid yihiin Ceel-Cali, Buq-goosaar, Ceel-dheer, iyo tuullooyin dhaca xadka kala barra gobollada Hiiraan iyo Bakool.

Qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ee qeybta ka ah howlgalka ayaa HOL u sheegay in ciidammada ku wajahan yihiin deegaanno kale oo hor leh oo saldhigyo u ah xoogagga Al-shabaab.

Howl-gallada saacadihii ugu danbeeyay ciidammada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM sidda wadda jirka ah uga sameeyeen deegaannada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, ayaa sababay barakaca dadka rayid ah oo u badan xoolo dhaqato kuwaa oo hadba u baxsanaya deegaannada Nabaddoon.

Illaa iyo hadda saraakiisha Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin howlgalka millitari ee ciidammada isbaheysanay, waxaa meellaha laga soo sheegayaa in ay jirreen iska horimaadyo culus oo dhaxmaray labada dhinac.

Dhaq-dhaqaaqa Millatari oo ay Ciidaada Huwanta ah ka Sameynayaan Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Bay, ayaa ku soo beegamaya xilli Al-shabaab laga wareegay magaalooyin waa-weyn oo ay ka mid yihiin Beerdheere iyo Diinsoor oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Bay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya