4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Puntland oo Faahfaahisay Sababta ay uga Qayb-gali Wayday Shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland oo aan ka qayb-galin shir shalay ka Furmay Magaalada Muqdisho oo looga Hadlayay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay sababaha keenay in aysan shirkaas ka qayb-galin.

Puntland ayaa Arrintan u cuskatay Shan qodob oo mid kasta si gaar ah loogu faahfaahiyay, kuwaasoo lagu dhaliilayay Dowladda Federaalka Somalia, Wuxuuna Maamulku Xusay in Dowladda Soomaaliya ay Jabisay Dastuurkii lagu Heshiiyay, isla markaana ay ka baxday Heshiisyo horay loo Wada-saxiixday.

Waxaa kaloo Puntland ay War-saxaafadeedka ku xustay in Dowladda Soomaaliya ay kasoo Hor-jeeddo Hir-galinta Nidaamka Federaalka ah, isla markaan ay Qorshaynayso Dowladda Dhexe ee Muqdisho inuu iyada hoos-tago, Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka.

AKHIRSO: War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland;

 

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]