4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Warbixino Dheeraad ah oo kasoo baxaya Geerida Hoggaamiyihii Ururka Taalibaan Mullah Cumar


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Warbixinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Geeridii Hoggaamiyihii hore ee Ururka Taliban, Mullah Cumar iyadoo xogahaas ay sheegayaan in ku xigeenkii Mullah Cumar, isla markaana ah madaxa Garabka Siyaasadda iyo Ciidamada Taliban, Mullah Akhtar Mansoor loo doortay inuu noqdo hogaamiyaha cusub. iyadoo weli uusan ka hadlin
Ururka Taliban Arrintan.

Xukuumadda Afghanistan ayaa sheegtay shalay arbacadii in Hoggaamiyihii ururka Taliban Mullah Cumar uu dalka Pakistan ku geeriyooday Sannadkii 2013-kii.

Afhayeen u hadlay hay’adda Sirdoonka Afghanistan Cabdul-Xasiib Seddiqi ayaa sheegay “Aad ayuu [Mullah Cumar] u Xanuunsanaa, waxaana la xiray isbitaal Karachi, halkaasoo uu ku geeriyooday iyada oo shaki uu jiray la xidhiidha waxa keenay geeridiisa” ayuu yidhi.

Hay’adda Sirdoonka ee dalka Afghanistan faahfaahin kamay bixin waxa keenay shakiga la xidhiidha geerida hoggaamiyaha Taliban Mullah Cumar, sidoo kale xog badan kamay bixin inta hay’addoodu ogayd warkan.

Xafiiska Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa isna Xaqiijiyey Geerida Mullah Cumar.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa isna sheegay in wararka la xidhiidha geerida Mullah Cumar ay u muuqdaan inay yihiin kuwo la isku hallayn karo, isla markaana ay hay’adaha War-doonka Mareykanka ku Mashquulsan yihiin Baarista Sababaha Keenay Geerida Hoggaamiyihii Ururka Taliban.

XIGASHO: VOA SOMALI