4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska Somalia iyo Minnesota-Mareyanka oo ku kulmay Muqdisho


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kulan kula qaatay Wafdi uu Hoggaaminayay taliyaha Booliiska Gobolka Minnesota, John Herigton iyo Saraakiil ka Socday Hay’adda Bancroft ee dalka Mareykanka laga leeyahay, taasoo tababar siisa ciidanka dambi-barista Soomaaliyeed ee CID-da.

Jen.Xaamud iyo Saraakisha uu la kulmay kala hadlay sidii loo Wanaajin lahaa xariirka u dhaxeeya booliiska Somalia iyo kuwa Gobolka Minisote iyo kordhinta Tababarrada ku aaddan Qaabka ay u kasban karaan shacabka Soomaaliyeed.

Markii kulanku uu soo dhammaaday ayuu taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen. Xaamud wuxuu u sheegay Warbaahinta inay Wadaan Dadaallo badan oo la doonayo in lagu dhiso booliiska Soomaaliya.

“Waxaan wadnaa dadaallo badan oo ah in tababaridda booliiska Somalia aanu xoogga ku saarno; waayo bani’aadamka waa in la tababaro xitaa haddii shaqo uu wado; marka waxaa naga go’an inaan culeyska saarno tababarka ciidanka booliiska si ay bulshadooda ugu shaqeeyaan,” ayuu yiri Jen. Xaamud oo intaas ku daray. “Ciidamada ku cusub Booliiska Somalia ayaan xoogga saaraynaa inay helaan tababarro wanaagsan, meel wanaagsan ayayna arrintaas noo maraysaa.”

Dhanka kale, Taliyaha booliiska Minnesota, John Herigton ayaa isaguna dhankiisa sheegay in ujeeddada uu u yimid Muqdisho ay tahay sidii ugu Faa’iideyn lahaa Booliiska Somalia.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta Magaalada Muqdisho imaado Anigoo marti u ah booliiska Soomaaliyeed iyo hay’adda Bancroft, taasoo Booliiska Dowladda Somalia kala shaqeysa tababarrada iyo sidii ay u gudan lahaayeen Waajibaadka horyaala ee ku aaddan u shaqaynta Shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri John Herigton

Sidoo kale, John Herigton oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri. “Minneapolis bulshada labaad ee ku nool waa Somali oo ah Muwaadiniin Mareykan ah; Ani ahaan Somalida Minnesota joogta Waxaan ka bartay khibrado badan oo khuseeya dadka bulshada Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Herigton Wuxuu Xusay inuu ku Rajo-weynahay in khibradayda Ciidan ee uu qabo oo 37-sano ah uu wax badan kusoo kordhin doono Wada-shaqaynta Booliiska iyo Shacabka Soomaaliyeed ka dhexeysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya