4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
PROF. SAMATAR: Rajada Xilligan Muqdisho ka socota ee aan Arkayo ma ahan mid Wanaagsan


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka Hadlay Arrimo badan oo ku Aaddan Marxaladda Dalku marayo iyo waxa la filayo, ayaa sheegay in talada dalka ay hadda kusoo foorarsatay Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Prof. Samatar in dalka ay ka taagan tahay Siyaasad uu ku sheegay mid aan jiho lahayn, wuxuuna ka digay in dalka aayaha dambe ay mar kale ka taliyaan siyaasiyiin hadda xilka haya iyo kuwo aan xil hayn.

“Waxyaabaha Socda Rajadadooda & Quruxdooda ma wanaagsan, Shacabka Soomaaliyeed ayay u taallaa haddii ay ka seexdaan, Qolooyinka doonaya inay siyaasadda ku loolaman oo kaliya haddii ay gooyaan aayahay Qaranka ma aha mid wanaagsan, waxaana leeyahay Alle wax ka sokeeya rajo malahan, haddii dadka Soomaaliyeed ay oran waayaan waxaan waa waxeenii. Haddii dadku ay oran Waayaan dowlad dadka u adeegta oo aan Musuq lahayn ayaan doonaynaa, markaa waxay Muteysanayaan in wixii loo keeno ay raalli ku noqdaan, marka rajada socota ee aan Xamar ku arkaaya ma Wanaagsana, Soomaalinimadana uma Wanaagsana, masaakiintana ma daryeeli doonto, laakiinse shacabka Soomaaliyeed ayay u taallaa haddii ay ka aamusaan iyo haddii ay hadlaan,” ayuu Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar yiri.

Sidoo kale, mar uu soo hadal-qaaday kulanka ka socda Muqdisho ee Hiigsiga 2016-ka ayaa wuxuu sheegay inuu yahay mid aan waxba soo kordhin doonin; isagoo tilmaamay inaysan meesha ka socon Astaantii Qaran dhab ah lagu dhisi karo.

“Haddii la lahaa Sanadkii 2012-kii, Waxaa laga baxay KMG-kii, Maalin dhaweydna ay soo saartay dowladdu inaysan cod iyo doorasho jiri doonin, wax cusub oo ay inoo sheegeen ma ahan wax aysan shacabku maleynayn, Laakiinse Astaantii Qaran edeb leh lagu dhisi lahaa ma socoto, sababtuna waxa weeye Jazeera waa tii ay isku qabsadeen maamullada Koonfur-Galbeed iyo Banaadir, Xuduuda Puntland iyo Galmudug iyana waa la isku qabsaday, kuwo kalena way soo socdaan, sidoo kale Khaatumo waa la isku haystaa, Waqooyigiina meel ay ku socoto lama garanayo. Marka siyaasad aan madax iyo majo lahayn ayaa socota, balse haddii dadka Soomaaliyeed ee waayeel leh, dhallinyaro leh, haween leh, Waxgaradna leh ay inta ay isku tagaan ay codkooda ku  dooran waayaan ciddii Hoggaamin lahayd, waxay noqonaysaa in wixii loo keeno ay qaataan,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Samatar.

Ugu dambeyn, hadalka Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa imaanaya xilli Muqdisho uu ka socdo shir looga hadlayo Mustaqbalka dalka gaar ahaan sidii ay doorasho uga dhici lahayd Somalia sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya