4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Madaxweyne Xasan oo Warqadihii Safiirnimo ka Gudoomay Danjiraha Dalka Kenya (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh, Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Waraaqaha Aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Jen. Lucas Kyonze Tumbo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir Qoto-dheer, loona baahan yahay in laga wada-shaqeeyo abuurista jawi Saaxiibtinimo, darisnimo wanaag iyo iskaashi dhan kasta leh oo dan u ah Shacabka labada dal.

“Siyaasadda Somalia waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska. Kumananan qof oo Soomaaliy ah oo isugu jira Qoxooti iyo ganacsiba ayaa Kenya ku sugan, taasoo muujineysaa sida labada shacab ay mar walba isugu baahan yihiin. Waana ka mahad celineynaa sida Kenya ay inoo garab taagan tahay mar kasta,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Danjiraha Kenya ee Somalia, Jen. Tumbo ayaa isagna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Xukuumaddiisa ay Soomaaliya u arkaan Saaxiib muhiim oo siyaasadda iyo Amniga Gobolka door-weyn ka qaadan karta, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wax wada-qabsi waxtar leh.

“Kenya waxay mar walba u taagan tahay inay Soomaaliya gacan siiso ha noqoto dhinacyada Ammaanka, dib u dhiska hay’adaha dowliga, iskaashiga dhaqaale iyo wax walba oo dan u ah labada shacab,’’ ayuu yiri Danjire Lucas Kyonze Tumbo.

Ugu dambeyn, kulanka Waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir u Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Khaalid Cumar Cali iyo Mas’uuliyiin kale oo ka Socday labada waddan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya