4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2015
Hay’adda CED oo soo Gunaanaday Dood-cilmeed la xiriirta Awoodsiinta Haweenka (SAWIRRO)


Khamiis, Luuliyo 30, 2015 (HOL) —Hay’adda Waxbarasha iyo Horumarinta CED ayaa Muqdisho kusoo gaba-gabeysay dood-cilmiyeed ku saabsan Istaratiijiyadda Awood-siinta Haweenka, kaasoo socday labo maalmood, iyadoo xiritaanka dood-cilmiyeedkan ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Haweenka, Madaxda Hay’adda CED iyo Madaxda Ururada Haweenka.

Dood-cilmiyeedkan ayaa waxaa diiradda lagu saarayay Awood-siinta Haweenka, sidii loo xoojin lahaa oo ay uga Qayb-qaadan lahaayeen, Dhinacyada Arrimaha bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaana ka qayb-galay illaa 100 haween ah oo ka socday 20 Urur haween oo ka howlgala Gobolka Banaadir.

Faadumo C/qaadir Ciise oo ah Xoghayaha Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee Gobolka Banaadir ayaa uga mahad-celisay Hey’adda CED Barnaamijkan ay soo qaban-qaabisay ee ay sare ugu qaadayso tayada haweenka, isla markaana boqol haween tababar u fidisay, kuwaasoo sii tababari doona illaa 1,000 Haween ah.

Sidoo kale, Dahabo Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celisay CED doorkeeda ku aaddan horumarinta haweenka iyo xuquuqdooda. "Waxaan u mahad-celinayaa Agaasimaha CED oo runtii xil iska-saaray barnaamijkan weyn oo lagu horumarinayo Haweenka, muddana soo socday, waxaa ka faa'iideystay Ururo badan oo manta iyaga kuwa kale sii tababaray.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab ayaa iyadana sheegtay in muhiimad weyn ay leedahay in 20 ururro haween oo ka howl-gala Muqdisho in hal meel la isugu keeno, kaddibna Awooddooda sare loo qaado, tayadooda la xoojiyo, waxaana caddeysay in loo baahan yahay inay haweenka gacmo wadajir ah ku shaqeeyaan, isla markaana la cadeeyo qoondada haweenka ay ku leeyihiin dhinaca siyaasada.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in haweenka ay kaalin weyn ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan dalka ay wax badan ka soo qabteen mudadii bur burka. Waxayna xustay in haweenka ay muujiyeen kaalintooda, isla markaana ka hadlaan xuquuqdooda, si ay wax u qabsadaan.

Agaasimaha Hay’adda CED, Prof. C/llaahi Cali Xasan ayaa Sheegay in 20-ka urur ee tababarka loo qabtay muddada labada maalmood lagala hadlay arrimaha ka qayb-galka doorka haweenka ku leeyihiin xaga dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha siyaasada iyo sidii isku xir loogu sameyn lahaa oo ay u noqdaan cod mideysan.

Prof. C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in Madaxda Ururada haweenka ee ka qayb-galay dood cilmiyeedkan uu adkeynayo inay yeeshaan yool, isla markaana wixii halkan la isku weydaarsaday oo dukumiinti kasoo baxa haweenka Soomaaliyeed la sameeyo, ayna saldhig u noqoto Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, si loogu dhaqmo waxyaabihii laga hadlay ee quseeya dhinaca awood-siinta Haweenka.

Wuxuu Prof. C/llaahi ugu baaqay Ururradii Haweenka ee barnaamijkan ka qayb-galay inay yeeshaan isku xer ay ku midoobaan 20-kan urur iyo intii kale ee kusoo biiri karta, Agaasimaha ayaa dhammaan u mahad celiyay madaxdii iyo mas'uuliyiinta kala soo qeyb gashay dooddaan lasoo gab gabeeyay.

Wasiir ku-xigeenka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Muumino Sheekh Cumar ayaa sheegtay in tababarkan uu sare u qaadayo 20-ka urur tayadooda, iyadoo u mahad celisay Hey’adda CED.

“Waxaan manta si ad iyo aad ah ugu mahad-celinayaa Hay'ada CED, 20-ka Urur Haween ayuu wuxuu u sameyay waxan la himaami karin, tayadooda ayuu dhisay isla markaana ay mar walba Wasaaradda Haweenka ay garab-taagan tahay,” ayay tiri Muumino.

Ugu dambeyn, Waxaa la Guddoonsiiyay 20-kii Urur Haween ee kasoo qayb-galay dood-cilmiyeedka qalab xafiiseed isugu jiray Computero iyo Printarro, Waxaana lagula dar-daarmay ka qayb-galayaasha in waxyaabihii ay barteen inay bulshada inteeda kale ugu sii faa’iideeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya