4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
RW Somalia oo sheegay inay Diiradda Saarayaan Arrimaha Ahmiyadda u leh Dalka (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo khudbad ka jeediyay shirka heer Wasiir ee Madasha Dalalka iyo Hay’adaha Is-kaashiga la leh Soomaaliya oo maanta ka Furmay Muqdisho ayaa kaga hadlay Qorshaha mudnaanta u leh Xukuumadda FS ee la doonayo in dalka lagu Gaarsiiyo Hiigsiga Sannadka 2016-ka.

Sharma’arke ayaa sheegay Dowladda Federaalka Soomaaiya ay ahmiyad gaar ah siinayso howlaha muhiimka ah ee Sahlaya in Somalia ay horumarto, sida dib-u-eegista Nidaamka Federaalka oo hadda guulo wax-ku-ool ah laga gaaray.

“Xukuumaddu waxay diiradda saari doontaan bilaha soo socda sidii loo Xaqiijin lahaa inaysan dib u dhac ku dhicin; Arrimaha Mudnaanta sare leh, isla markaana aan hubinno dhismaha Hay’adaha Muhiimka ah iyo Nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun-gaaro dhaqan-gelinta Hiigsiga 2016-ka, taasoo Waddada u Xaaraysa sidii loo heli lahaa Nabad waarta, Xasillooni iyo dib u heshiisiin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Sidoo kale, RW ayaa yiri. “Dhowrkii Bil ee lasoo dhaafay dalka waxaa ka jiray horumar ballaaran oo laga sameeyey dhinacyada federaalka iyo dib u Xoreynta, Waxaa la dhisay qaar ka mid ah Maamulladii Qaybta ka noqon lahaa Federaalka sida Maamulka Galmudug oo Xukuumaddu ay Hoggaaminaysay Dhismaheeda, Waxaanan Gacanteenna soo galay Deegaanno ay kooxaha Xagjiriintu ahi maamulayeen kuwaas oo hadda ku jira gacanta Dowladda. Horumarka socda waa mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta oo noo keenaya faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh, isla markaasna uu Shacabku ka dareemi doono dalka oo dhan.”

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu u mahadceliyey saaxiibada Soomaaliya ee isagu yimid kulanka, isla markaana si gaar ah uga mahadceliyey taageeradooda dhaqaale iyo mid farsamo, waxuuna soo dhaweeyey sida ay mar walba uga Wal-walayaan Mustaqbalka Soomaaliya.

“Waxaa  sidoo kale xaqiiq ah inay na-sugayso Hawl badan iyo Waqti Xaddidan, balse taageerada aan ka helayno Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ayaan ku rajo weynnahay inay noo suuro-gasho inaan si dhaqso ah u qabanno shaqo badan,” ayuu yiri hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay RW Sharma’arke.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 120-xubnood oo isugu jira xubno ka socda Dowladda Federaalka Somalia, Maamullada Gobollada dalka iyo weliba xubno ka socda Beesha Caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya