4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Mucaaradka Somaliland oo Siilaanyo ugu baaqay inuu fuliyo Heshiishkii Saddexda Xisbi Qaran


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Shirkii Xisbiyada Mucaaradka Somaliland uga socday magaalada Hargeysa ee ay uga Hadlayeen Xaaladda Gguud ee ka jirta Dalka iyo Arrimaha doorashooyinka ayaa maanta kasoo saaray War-murtiyeed ka kooban lix qodob oo ay u soo jeediyeen Xukuumadda.

Shirkan wada jir u qabsadeen labadda xisbi mucaarad ee WADANI iyo  UCID ayaa ka soo saaray baaq ah in madaxweynuhu sida ugu dhakhsiyaha badan u fuliyo qodobaddii lagu heshiiyey, haddii uu fulin waayana waxay xuseen inuu madaxweynuhu rabo in aan dalka doorasho ka dhicin  taas oo sababi karta in beesha caalamka soo farogaliso.

Bayaankan ay ka soo saareen shirkaasi wada tashiga ahaa ayaa u qornaa sidan:

1. In Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan u fuliyo heshiiskii saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen ee gogoshii madaxweynuhu fidiyay 26, May, 2015.

2. Haddii madaxweynuhu fulin waayo heshiiskaas, waxaa muuqata inaanu madaxweynuhu rabin inay dalka ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah. Waxaa lagama maarmaan ah in aanu dalbanno  in beesha caalamku na soo dhexgasho.

3. Waxay labada xisbi Go’aansadeen, in aanay Aqbalayn waxaan ahayn Xilligii Saddexda xisbi iyo xukumaddu isla Qaateen ee ahaa December, 2015-ka. Haddii Xukumaddu Fulin waydo heshiiskaas waxay labada xisbi ku noqon doonaan xilligii Komishanka Doorashadu cayimay ee ahaa in doorashada la qabto June, 01,2016.

4. Inaanu go’aanka guurtidu waafaqsanayn dastuurka iyo sharciga Somaliland, sababtoo ah ma jiraan shuruudaha ku xusan qodobka 42-aad, farqadiisa 5-aad ee dastuurka ee sheegaya duruufaha doorashada dib u dhigaya. Inaanay guurtidu xaq u lahayn laalista wakhtiga komishanku cayimay, islamarkaana aanay xaq dastuuri ah guurtidu u lahayn cayimaada doorashada.

5. Annagoo ka duulayna dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha iyo golaha wakiillada, iyo go’aankii maxakamadda sare soo saartay ee ay ku amraysay in si degdeg ah loo soo afjaro khilaafka wakhtiga doorashada, waxaanu diyaar u nahay fulinta amarka maxakamadda.

6. Shirku Wuxuu Go’aamiyay in Nabadda, Xasilloonida iyo Jiritaanka Madax-bannaanida Somaliland tahay Muqadas.

Waxaa Go’aankaasi ku Saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Si kastaba ha ahaatee, July 27,2015 ayey madaxweynaha iyo xukuumadiisa kaga eekeed wakhtigii ay xilka la wareegeen, isla markaana ahayd inay doorasho dhacdo, haseyeeshee, muddo kordhin ay guurtiddu u samaysay madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa keentay khilaaf muran badan dhalisay taas oo xisbiyada mucaaradku ku gacan saydheen muddo kordhinta guurtiddu samaysay.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku baaqay inuu Madaxweyne Siilaanyo ixtiraamo Heshiishkii saddexda xisbi ka gaadheen arrimaha  muddo kordhinta, kuwaas oo ku heshiiyey in sanad iyo toddoba bilood oo qudha loo kordhiyo goleyaasha qaranka, taas oo ilaa hadda la isku waafiqi la’yahay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland