4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
DANJIRE KAY: Marka la Gaaro Sanadka 2016-ka lama Aqbali doono in Mudada la Kororsado


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Danjire Nicholas Kay ayaa Shir-weynaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho ka Furmay ka Sheegey in marka la gaaro sannadka 2016-ka aan la Aqbali doonin Wax muddo Kororsi ah.

Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay si rasmi ah u shaaciyay in aysan Somalia ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro Sanadka 2016-ka, iyagoo madaxda Somalia ay sheegeen in arritan looga tashan doono shirka maanta Furmay.

“Kulan ay shalay yeesheen Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa lagu Ansixiyay Qaraar dhigaya in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo Golaha Fulinta iyo Sharci Dajinta Somalia ay sameystaan marka la gaaro xilliga uu Waqtigu ka dhacayo,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay.

Sidoo kale, Wakiilka QM ee Somalia ayaa intaas Raaciyay in Qiimeyn iyo Daraasad uu Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay Sameeyay ay ku ogaadeen in Xaaladaha ka jira Somalia aysan u habooneyn in la qabto Doorasho uu Qof kasta Codkiisa ku dhiiban karo.

Danjire Nicholas Kay ayaa dhanka kale walwal ka muujiyey kasoo Qaybgal la’aanta shirka ee Hoggaamiyeyaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

“Waxaan filayay inay Shirkaan nagala Qaybgalaan dhamaan hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka, balse taasi ma dhicin, waana arrin niyad-jab ah in aysan shirka imaan madaxda Puntland iyo Jubbaland, inkastoo dadaal badan loo galay in lagu Qanciyo inay ka soo Qaybgalaan Shirka,” ayuu yiri Danjire Kay.

Isagoo sii hadlayay Danjire Kay ayuu intaas ku daray. “Ka maqnaashahooda ay shirka ka Maqan yihiin Shirka Madaxda Jubbaland iyo Puntland waa mid Muujinaysa Baahida loo qabo in si dhaw loo wada-shaqeeyo si loo helo Somalia oo dhidibo adag ku taagan, isla marakaana Mideysan oo Horumartay.”

Ugu dambeyn, wuxuu kaloo ka hadlay Wakiilka QM ee Somalia Horumarka illaa hadda la gaaray, isagoo Qiray inay jiraan Waxyaabo badan oo wali u baahan in wax laga qabto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya