4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Madaxweynihii Hore ee Puntland oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe, isagoo kasoo kicitimay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Somaliland oo uu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay.

Siyaasiin horey ula soo shaqeeyay madaxweynihii hore ee Puntland iyo boqolaal kamid ah dadweynaha degmada Garowe ayaa ka qayb-galay soo dhaweynta Cabdiraxmaan Faroole oo talada Puntland baneeyay sanad iyo bar ka hor.

“Waxaan aad uga Mahad-celinayaa soo Dhaweynta Halkan la iigu Sameeyay, ma fogayn waad ogtihiin waxa dhacay ,shil weyn oo naxdin leh ayaa qosykayga ku dhacay," ayuu yiri madaxweynihii hore Puntland mar uu la hadlayay dadkii soo dhaweeyay.

“Arinta gaarka ah een u soo noqday waa tan qoyskayga ku dhacday arimaha kale oo dhan waa secondary ,waad ogthiin Hargaysa ayaan joogay muddo laba asbuuc ku dhow ,waxaan halkaas u tagay arimo qoys “ ayuu mar kale yiri Faroole.

Waxaa kaloo madaxweynihii hore ee Puntland uu sheegay in uusan cidna culays ku noqon doonin inta uu joogo Gudaha Garowe, isla markaana maamulka hadda jira uu ka caawin doono wixii ay uga baah-daan.

Ugu danbayn , bishii afaraad ee sanadkan ayey ahayd markii magaalada Garowe lagu dilay Xaaskii Madaxweynihii hore ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Aamino Abiib, iyadoo dilkeeda uu fuliyay Cumar C/raxmaan oo ahaa wiil ay dhashay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]