SAWIRRO: Shir lagu Ansixinayo Dastuurka Jubbaland oo ka Furmay Magaalada Kismaayo
Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) —Ergo ka kooban 300 oo ka kala timid sedexda gobol ee uu ka koobanyahay maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariistay ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland, kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay socotay qoristiisa.
Gudiyada kala duwan ee u xilsaaran dastuurka Jubbaland ayaa waxa ay safarro kala duwan ku tageen qaar kamid ah degmooyinka gobollada Jubbaland, goobahaasii ay geeyeen qabyo-qoraalka dastuurka si bulshada ku dhaqan goobahaasi ay uga doodaan qodobada ku xusan dastuurka islamarkaana aragtidooda ugu biiriyaan.
Shirkan oo socon doona mudo afar maalmood ah ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana shirkani daahfuray madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweeynaha oo khudbaddii daahfurka shirka ka jeediyay madasha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay gudiyadii ku howlanaa diyaarinta dastuurka, ergada ka kala timid sedexda gobol, hay'adda SSF iyo Qaramada Midoobay, kuwaasoo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen sidii ay Jubbaland u yeelan lahayd dastuur.
Intaa kadib ayaa waxaa ergada loo qeeybiyay qaby-qoraalka dastuurka, waxaana ergadu ay ka doodi doontaa qodobada ku qoran dastuurka, iyagoo gudiga dastuurka u gudbin doona qodobada ay u arkaan in ay u baahanyihiin in wax lagu kordhiyo amaba laga saaro.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland oo saxaafadda uga warbixiyay shirka ayaa sheegay in kadib marka ay ergadu soo gudbiyaan afkaartoda ku saabsan dastuurka, in gudigu ay ku wareejin doonaan maamulka Jubbaland, kadibna loo gudbin doono baarlamanka Jubbaland si ay u ansixiyaan.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- XASAN SHEEKH: Shacabka Somaliland Way ka faa’iideysan doonaan Mashaariicda Higsiga 2016
- RW Somalia oo sheegay inay Diiradda Saarayaan Arrimaha Ahmiyadda u leh Dalka (SAWIRRO)
- Mucaaradka Somaliland oo Siilaanyo ugu baaqay inuu fuliyo Heshiishkii Saddexda Xisbi Qaran
- DANJIRE KAY: Marka la Gaaro Sanadka 2016-ka lama Aqbali doono in Mudada la Kororsado
- Xukuumadda Afghanistan oo Maanta sheegtay in uu Geeriyooday Hogaamiyihii Ururka Daalibaan
- Madaxweynihii Hore ee Puntland oo Maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe (SAWIRRO)
- Golaha Ammaanka ee QM oo Muddo Kordhin u Sameeyay Hawl-gallada AMISOM iyo UNSOM
- BARACK OBAMA oo Hoggaamiyeyaasha Afrika uga digay inay Diidaan in Xilalka ay ka Dagaan
- Cabdiraxmaan Faroole oo ka Hadlay Safarka uu ku joogo Somaliland iyo Arrimaha Federaalka
- Wasiir ka hadlay Dhismaha Golayaasha Deegaanka Boosaaso iyo Garoowe oo Weli Hakad ku Jira
- Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Qaraxii Hotel Jaziira iyo Ruuxii Geytay
- Diyaar-garow loogu jiro Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Somalia oo Goor-dhow ka furay Shirka looga Hadlayo Hiigsiga Somalia (SAWIRRO)
- Maamullada Puntland iyo Jubbland oo aan ka qaybgalayn Shirka Hiigsiga Sannadka 2016-ka
- Ciyaarihii Kubadda Cagta ee Somali Week oo si xiisa leh uga socda magaalada Toronto