4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Golaha Ammaanka ee QM oo Muddo Kordhin u Sameeyay Hawl-gallada AMISOM iyo UNSOM


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Golaha Ammaanka ee QM ayaa Talaadadii Shalay ahayd xilliga u Kordhiyay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyagoo sidoo kalena Xilliga u kordhiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Dalka Somalia – AMISOM.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa isku raacay in UNSOM ay sii shaqeyso inta laga gaarayo 30-ka Maarso, 2016-ka, halka AMISOM loo kordhiyay xilliga inta laga gaarayo 30-ka May, 2016-ka, si ay gacan uga geystaan sidii Somalia loogu soo celin lahaa Xasil-looni iyo ammaan buuxa.

Muddo Kordhinta loo Sameeyay UNSOM iyo AMISOM ayaa Ku Soo Beegmaysa Xilli Axaddii lasoo dhaafay Weerar Ismiidaamin ah lala beegsaday Hotel Jaziira oo ku yaalla meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay Mas’uuliyaddiisu Sheegatay ayna ku dhinteen dad badan oo uu ku jiray Dublamaasi Shiineys ah.

Sidoo kale, waxay tallaabadan Golaha Ammaanak ee QM ay imaanayso xilli ay ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay kala Wareegeen Al-shabaab Diinsoor iyo Baardheere oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka Xariiqay in Xafiiska UNSOM ee Somalia oo ah kan ugu awoodda badan ee QM ay ku leeyihiin Soomaaliya uu xurmeeyo Madax-bannaanida dhuleed, tan siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya, iyagoo cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee ay ka geysanayso Al-shabaab gudaha Somalia.

Xilliga Xafiiska UNSOM ayaa wuxuu ku ekaa 07-da Ogoosto 2015-ka, iyadoo Xafiiskan laga hirgeliyay Somalia Sannadkii 2013-kii, iyadoo Howshiisuna ay tahay ka Talo-bixinta Arrimaha Siyaasadeed ee Somalia iyo inuu Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo Geeddi-socodka Nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Qaraarkooda ku Sheegeen in ay isku Waafaqeen inaan Ciiddammo Nabad-ilaalin ah oo ka socda QM loo Diri Karin Somalia xilligan. Balse ay dhici karto inay geeyaan Ciidamooda Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2016-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Edmond Mulet oo Xubnaha Golaha Ammaanka la hadlayay ayaa xusay in haddii xilligan ay Somalia u diraan ciidammo nabad-ilaalin ah ay khatar Xooggan kala kulmi karaan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia billaabeen Howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo Taliye ku Xigeenka Ciidammada AMISOM ee Hoggaaminaya Howlgalkan, Jen. Mohammedesha Zeyinu ayaa isna sheegay inay uga dan-leeyihiin Howlgalkan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada miyaga ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya