4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
BARACK OBAMA oo Hoggaamiyeyaasha Afrika uga digay inay Diidaan in Xilalka ay ka Dagaan


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa uga digay Hoggaamiyeyaasha Waddamada Afrika inay diidaan inay xilka ka degaan marka uu Xilligoodu Dhammaado, kaddib Khudbad Taariikhi ahayd oo uu Maalintii Shalay ahayd ka jeediyay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa.

“Ma jiro Ruux Madaxweyne ahaanaya inta uu nool yahay oo dhan,” ayuu Barack Obama ku yiri khudbaddii uu ka jeediyay Xarunta Ururka Midowga Afrika, taasoo ahayd Middii ugu horreysay abid oo uu Madaxweyne Mareykan ah ka jeediyay Xarunta AU-da.

Obama ayaa saddex booqasho saddex maalmood qaadatay ku tagay Itoobiya, isagoo sidoo kalena horay u soo maray dalka Kenya oo uu ku sugnaa muddo Saddex casho ah, wuxuuna madaxda dalalkan kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin; Xuquuqda Aadanaha iyo Dimuqraadiyadda.

“Anigu ma Garanayo Sababta ay Madaxda Afrika xukunka isugu Dhajiyaan si ay Muddo dheer kursiga ugu fadhiyaan. Gaar ahaan marka ay urursadaan lacago fara badan,” ayuu ku yiri madaxda 54-ka waddan ee Midowga Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne Obama ayaa wuxuu ugu baaqay Midowga Afrika inuu xaqiijiyo in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay Xushmeeyaan Dastuurrada u yaalla marka uu Xilligooda dhammaado. Wuxuuna walaac ka muujiyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza oo la sheegay in mar saddexaad madaxnimada dalkaas loo doortay.

“Mararka qaarkood waxaad maqlaysaa Hoggaamiye oranaya aniga keliya ayaa hoggaamin kara ummadeyda. Haddii taasi run tahay waxaa xaqiiqo ah ruuxaas uu ku guul-dareystay inuu si dhab ah dalkiisa u dhiso,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Mareykanka.

Isagoo kafatamaya ayuu yiri in haddii uu xilka isku soo taago mar saddexaad uu rumeysan yahay in la dooran lahaa, Laakiin uusan taasi dastuurkooda ogoleyn, sidoo kalena uu isagu doonayn.

“Dhab ahaan, waxaan u maleynayaa inaan ahay madaxweyne fiican. Haddii aan mar kale u tartamo xilkana aan ku guuleysan doono. Balse taas ma sameyn karo waayo dastuurkeennu ma ogola,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Obama.

Ugu dambeyn, hadalka Barack Obama ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynayaal fara badan oo Afirkaan ah ay doonayaa inay kursiga u Tartamaan marara kale, iyadoo Dastuurradooda aysan u ogoleyn inay xilka u tartamaan wax ka badan laba jeer.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynayaasha Afrika ee doonaya inay Xafiisyada u tartamaan ay ka mid yihiin; madaxweynaha Burundi Nkurunziza oo la sheegay in doorasho dhawaan ka dhacday dalkaas uu ku guuleystay iyo Hoggaamiyeyaasha dalalka Uganda iyo Rwanda oo iyaguna doonaya inay marar Saddexaad Tartamaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya