4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Wasiir ka hadlay Dhismaha Golayaasha Deegaanka Boosaaso iyo Garoowe oo Weli Hakad ku Jira


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa sheegtay in dhawaan lasoo dhisi doono golayaasha deegaanka degmooyinka Garoowe iyo Bosaaso, kuwaasoo dhismahoodu uu hakad ku jiray tan iyo markii madaxweynaha Puntland uu kala diray horaantii sanadkan.

“Xiligan la joogo waxaa wasaaraddu ay ka howlantahay sidii loo dhamaystiran lahaa wax-yaabaha ka harsan in labada degmo ay yeesheen gole deegaan,“ ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo la hadlay warbaahinta.

“Ma ahan in si khaldan loo Fasirto dib u dhaca ka jira Arrimahan, Waxaan Arkayay Dad siyaabo kala duwan uga hadlaya," ayuu mar kale yiri Axmed Karaash oo Tilmaamay inay Wasaaraddiisu dhawaan soo Gaba-gabayn doonto Howlahaan.

Qaar kamid ah siyaasiyinta gobolka Bari ayaa sheegay in la dhaafay waqtigii lagu soo dhisi lahaa golaha deegaanka degmada Bosaaso oo ah 45 maalmood ,waxaana madaxweynaha Puntland uu maamul cusub u magacaabay Bosaaso bishii shanaad ee sanadkan aynu ku jirno.

Wasiir Karaash ayaan soo hadal qaadin khilaaf la sheegay in uu hareeyay dhismaha golaha deegaanka degmada Garowe ,kaasi oo sida la sheegay ka dhashay soo xulista xubnaha kamid noqonaya golaha deegaanka

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu wadaa inuu magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka golaha deegaanka ee degmada Garowe oo la filayo in ay dhameeyaan muranka ka dhashay arimahan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]