4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Diyaar-garow loogu jiro Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan ku dhawaaqin halka la dhigayo gogosha shirweynaha dhismaha maamulka Gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan, ayaa dhinaca kale magaalada Beledweyne, waxaa ka jira dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo diyaar-garoow loogu jirro marti-galinta shirka.

Hoteellada ayaa siweyn u camiran waxaana kaaga muuqanaya wajiyo cusub iyo dad u badan qurbo joog oo dib u soo guryo noqonaya, dhinaca kalana waxaa soconaya shirar hoosaadyo siyaasadeed iyo wadda tashi beellaha dhaxdooda ah oo loogu sii arrinsanayo ka qeyb-galka shir lagu dhisayo maamulka labada gobol.

Kulamada ay leeyihiin beelaha waxaa qeyb ka ah shirar ay soo qaban-qaabiyeen xubno leh damac-siyaasadeed oo doonaya inay ka mid noqdaan ugu yaraan xubnaha Baarlamaanka lagu waddo in uu yeesho maamulka labada gobol, madaama la og-yahay in odayaasha dhaqanku yihiin kuwa soo gudbinaya shaqsiyaadka ku matallaya beel walba gollaha baarlamaanka.

Labo maalmood ka hor ayaa xariga laga jaray hotel casri ah oo laga hergaliyay magaalada Beledweyne, kaa oo lagu magacaabo Hoteel Daara-Salaam, waxaana muuqata in furitaanka hoteelka cusub laftirkiisa uu qeyb ka noqonayo fursadaha ganacsi ee la doonayo in looga faa'ideysto marti-galinta shirweynaha, kaasoo dhinaca kale marka aad eegto wax weyn ku soo kordhiyay bilicda magaalada.

Goobaha lagu shaaho ee dadku ku badan yahay ama loogu yeero (Fadhi Ku Dirirka) doodda ama sheekada ugu xiisaha badan oo ay dadku hadal hayaan ayaa ah qorshaha dowladda ee dhismaha maamulka labada gobol iyo sidda uu noqon doonno awood qeybsiga marka ay timaado xilalka maamulka iyo halka xarunta rasmiga ah dowladda u aqoonsan doonto.

Madaxda Maamulka Heer Gobol iyo degmo, ayaa sheegay in ay dhameystireen dhismaha madashii uu ka dhici lahaa shirka, siddoo kalana diyaariyeen goobaha loogu tala-galay in la dajiyo martida ama ergada la fillayo inay soo gaarto magaalada.

 Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle, ayaa HOL u sheegay in wixii hadda ka danbeeya aan la ogolaan doonin gadiidka leh miraayado madow, marka laga soo tago kuwa mas'uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha dowladda, isaga oo intaa ku darray in arrintaa ay u sameynayaan si loo adkeeyo ammniga magaalada.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda oo ayaa si wadda jir ah uga dhawaajiyay in ay soo dhameystireen qorshihii dhismaha maamulka labada gobol, dhawaanna la guda-gali doonno bilowgga shirar hor dhac u ah arrintaa oo marka hore ay isku arki doonaan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeedda  labada gobol si markaa howsha inta dhiman loo soo anba-qaado.

Horay magaalada Beledweyne waxaa uga socday shirweyne isugu jira dib-u-hishiisiin iyo wada-tashi ay lahaayeen beellaha wadda dega gobolka, waana tan keentay rajada bulshada ee ah in shirweynaha dhismaha maamulka labada gobol uu ka furmi doonno magaalada Beledweyne si loo xoojiyo gogoshii markii horeba fidsaneyd.

Iyadoo arrimahan oo dhan ay dhacayaan ayaa haddana waxaa jira xildhibanno iyo siyaasiyiin kasoo jeedda gobol Hiiraan  oo wali ka biyo diidan qorshaha dowladda ee ah dhismaha maamulka labada gobol, iyaga oo cuskanaya tikiraato madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu ku magacaabay gobolka Shabeellaha sare oo ka farcamay gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya