4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Maamullada Puntland iyo Jubbland oo aan ka qaybgalayn Shirka Hiigsiga Sannadka 2016-ka

Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubbaland ayaa maanta ka qaybgalayn shirka looga hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia (New Deal) kaasoo ka dhacaya Muqdisho, ayna shir guddoominayaan madaxweynaha Somalia iyo Danjire Nichollas Kay.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa Qorshayaasha 2016-ka iyo waxyaabaha la Qaban doono muddada u hartay Dowladda Somalia, iyadoo horay ballantu u ahayd in sannadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u Qaadacay ka Qayb-galka Shirkan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka Somalia ku eedeeyeen inay marin habaabisay Dastuurka.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Maamulka Jubba oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qayb-geli doonin shirka Muqdisho ka furmaya Maanta.

“Annaga Mowqifkeena Shirkan horay ayaa u Caddeynay Kamana Qayb-galayno, waxayna ahayd in marka hore Madaxweynaha Somalia inaan iska aragno arrintan,“ ayuu yiri Geelle Maxamed.

Dhanka kale, Puntland ayaa iyana sheegtay inaanay shirkaas ka qayb-galayn, kaddib markii Dowladda Federaalka Somalia ay ku eedeeyeen inay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug ay gadaal ka riixaysay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo kan Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shirkan ka Qayb-galaya; iyadoo shirkan ay iyaguna ka qaybgalaan xubno ka socda Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aaddan Hiigsiga Sannadka 2016-ka iyo sidii doorasho dalka ay dalka uga dhici lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya