4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Madaxweyne Barack Obama oo Maanta Khudbo ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka oo booqasho ku jooga Itoobiya ayaa maanta khudbad dhinacyo badan ka hadlaysay ka jeediyay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee Addis Ababa, iyadoo noqonaysa khudbaddii ugu horreysay oo uu ka jeediyo Midowga Afrika Madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya.

Khudbadda Madaxweyne Obama uu u Jeediyay 54-ka dal ee Xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa waxay taabanaysay arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka Afrika, dhaqaalaha, musuq-maasuqa, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda iyo la dagaalanka argagaxisada.

Guddoomiyaha Gudiga Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo soo Dhaweynaysay Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay ku Tilmaantay Barack Obama Wiil Afrika sheegato, iyadoo xusta xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika.

“Afrika iyo Mareyanka waxaa ka dhexeeya lafo xoogan oo taariikhi ah, kuwaasoo ku dhashay dhiigga iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaha Afrika. Kuwa ka gudbay Badda Atlantic-ga oo xooggooda geliyay beeraha iyo dhismaha magaalooyinka Mareykanka, taasoo ahayd middii Mareykanka ka dhigtay inuu noqdo Waddan u awood weyn sida uu maanta yahay,” ayay tiri Dlamini-Zuma.

Sidoo kale, Madaxweyne Barack Obama ayaa ka Marag-kacay Hadalka Dlamini-Zuma, isagoo xusay in shacabka Afrika ay gacan weyn ka geysteen qaabeynta dalka Mareykanka, kuwaasoo u ogolaaday Mareykanka inuu noqdo dal weyn sida uu maanta yahay.

Obama wuxuu kaloo sheegay in shacabka Afrika ay sidoo kale, gacan weyn ka geysteen qaabeynta cidda aan ahayn iyo sida aan dunida u arko. Annaga iyo caruurteennana Afrika waxay na bartay cashar Awood badan, kaasoo ah inaan dhowrno sharafta uu leeyahay qof walba oo bani’aadam ah, iyadoo aan loo eegay midab iyo halka uu kasoo jeedo.

“Dhammaanteen waxaan nahay dad siman qof walbana macno ayuu Caalamkan ugu ku fadhiyaa, wuxuuna mudan yahay inuu tixgelin iyo sharaf ku noolaado,” ayuu Madaxweyne Mareykanku yiri.

DHAGEYSO: Khudbadii Obama uu Maanta ka jeediyay Xarunta Midowga Afrika;

Barack Obama ayaa Dhanka kale ka Hadlay Halista Argagaxisadu ay ku Hayso Afirka, isagoo ammaanay doorka ururka Midowga Afirka ee ku Aaddan Xallinta Mushkiladaha Afrika.

“Marka la fiiriyo wajihidda ka hortagga halista Argagaxisada Midowga Afrika waxay muujiyeen hoggaan. Ururka Midowga Afrika dartiis Al-shabaab waxay hadda maamushaa dhul aad u yar, Dowladda Federaalka Somalia ayaa iyadana sii xoogeysanaysa,” ayuu yiri Obama.

Wuxuu intaas ku daray Barack Obama in Ciidamada Midowga Afrika ay dalka ku yaalla Bartamaha Afrika ee Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ay kula dagaalamayaan kooxda LRA, sidoo kalena ay dalka Nigeria ee Galbeedka Afrika kula dirirayaan Ururka Boko Haram.

Dlamini-Zuma ayaa iyadana ka hadashay halista Argagaxisada kaddib khudbadii Obama kaddib, iyadoo tiri. “Inkastoo Afrika ay sameynayso horumarro haddana weli caqabado ayaa na horyaalla, waxaana walaaca ku haya uu inagana naga haystaa halista Argagaxisadu ay ku haysto Qaaradda Afrika iyo Caalamka intiisa kale. Afrikana waxay qaybteeda ka qaadanaysaa dagaalka lagula jiro kooxaha Argagaxisada ah.”

Madaxweyne Barack H. Obama ayaa wuxuu kaloo ka hadlay Dimuqraadiyadda Afrika, isagoo sheegay in Afrika aysan u baahnayn Madaxweynayaal awood leh; balse ay u baahan tahay hay’ado shaqeeya oo dimuqraadi ah oo shacabkuna ay jecel yihiin.

“Dastuurka Afrika ee Xuquuqda Insaanka waxaa ku qoran in qof kasta uu leeyahay sharaf, laga soo billaabo Sierra Leone, Ghana, Benin illaa Botswana, Namibia iyo South Afrika Dimuqraadiyaddu way xidideysanaysaa,” ayuu yiri Obama oo ku daray hadalkiisa in dalka Nigeria waxaa codkooda si geesinimo leh u dhiibtay in ka badan 28-milyan oo qof, balse xuquuqda noocaas ah ma haystaan dad badan oo Afrikaan ah.

Obama oo hadal uu ka dhawaajiyay ula jeediyay Madaxweynayaasha Afrika ee xukunka isku dhajinaya ayaa wuxuu tusaale u soo qaatay Itoobiya, isagoo yiri. “Dimuqraadiyaddu ma ahan doorashooyin la qabto oo keliya, balse marka la xiro wariyeyaal shaqadooda dartood ama la handado dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, gacan bir ahna lagu qabto Ururrada Bulshada Rayidka ah taas macnaheedu waa inaad haysato Dimuqraadiyad magic uun u jirta.”

Isagoo intaas ku daray. “Dalkan aan martida u nahay ee Itoobiya waxaa ka jira wax badan oo lagu Ammaano oo la qabtay. Dabcan doorashana way ka dhacday, anigoo u sheegay RW Itoobiya in tallaabooyinkan ay yihiin billowgay wax u eg Dimuqraadiyad. Itoobiyana ma gaari karto horumar ay shacabkeedu higsadaan haddii aan la dhowrin Xuquuqaadka Aasaasiga ah.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hadlay Fursadaha Dhaqaale ee Afrika ka jira iyo sida uu Mareykanku u daneynayo, isagoo hoosta ka xariiqay in horumarka Afrika uu ku xiran yahay; Maamul-wanaag, Dimuqraadiyad iyo la-dagaalanka Musuq-maamuqa oo uu ku tilmamaay cudur kansar ah oo Afrika ku jira.

“Ma jiraan wax Fur-furi kara Ahmiyadda Dhaqaale ee Afrika iyo dhulkeeda dihan haddii aan lasoo af-jarin dhaqanka Musuq-maasuqa. Mana ahan musuqmaasuqa wax u gaar ah Afrika, balse waxaa kaalin ku leh kuwa la ganacsada Qaaraddan Afrika. Caalamka oo dhan wuu ka jiraa Musuqmaasuqa, xitaa Mareykanka wuu ka jiraa, balse halkan [Afrika] wuxuu ka noqday kansarka oo kale, waxaana la musuq-maasuqaa balaayiin doollar oo la gelin lahaa horurinta waxbarashada iyo caafimaadka Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya