4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Xukuumadda Turkiga oo ka Qayb-qaadanaysa Dagaalka ka Dhanka ah Ururka Daacish ee Syria


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Xukuumadda Turkiga ayaa ku baaqay kulan ay isugu yimaaddaan Mas’uuliyiinta Isbahaysiga NATO Talaado maanta ah si looga wada-xaajoodo halista ku timid Amniga dalkeeda iyo Weerrarada xagga Cirka ee ay ku beegsanayaan ISIL ama Daacish ee ku sugan Siiriya iyo Mucaaradka Kurdiyiinta ee ku Sugan Ciraaq.

Qodobka Afraad ee lagu aasaasay isbahaysiga NATO ayaa u ogolaanaya dalalka Xubnaha ka ah inay dalban karaan la tashi marka ay soo foodsaaraan dhibaatooyin la xiriita Madax-banaanidooda dhul ahaaneed ama amnigooda halisi soo foodsaarto.

Shalay Isniintii ayaa dawladda Maraykanku ay sheegtay inay Turkiga kala shaqaynayso qorshaha weerar lagaga safaynayo kooxda Daacish dhinaca woqooyi ee dalka Syria.

Masuul ka tirsan dawladda Maraykanka ayaa sheegay in hadafku uu yahay in xuduudda dalka Turkigu la wadaago Syria laga abuuro goob ka caaggan kooxda Daacish.

Sidoo kale, dalka Turkiga ayaa ku biiray dalalka dagaalka kula jira Kooxda Daacish ka dib markii uu wakhti dheer ka cago-jiidayey inuu ka mid noqdo isbahaysiga weerarada ku wada kooxda Daacish ee fadhigoodu yahay dalka Syria.

Turkiga ayaa Weerar ku Qaaday Fariisimada Dibadda ee Kurdiyiinta Mucaaradka ku ah dalka Turkiga ee PKK, haddaba maxaa xilligan keenay in Turkigu uu galo dagaalo cusub oo uu wakhti dheer ka gaabsanayey.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dalka Turkiga aan weli lagu heshiin dhismaha xukuumad dalkaas hoggaamisa ka dib markii xisbina heli waayay aqbaliyad uu xukuumad ku soo dhiso.

XIGASHO: VOA SOMALI