4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Wiil uu dhalay Madaxweynihii Hore ee Liibiya oo Maanta ay Maxkamadi ku xukuntay dil toogasho


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Maxkamad ku Taalla Dalka Liibiya ayaa dil toogasho ku Xukuntay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Waddanka Liibiya, Col. Mucamar Al-Qaddaafi, kaasoo lagu magacaabo Saif al-Islam iyo Toddoba qof oo kale.

Taliyihii hore ee Mukhaabaraadka Liibiya, Abdallah al-Senousi iyo RW hore Al-Baghdadi al-Mahmudi ayaa sidoo kale iyagna waxay maxkamaddu ku xukntay dil toogaho ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa dhowr qofood oo kale ku xukuntay xabsi daa’in iyo xabsiyo min shan sano ah. Waxaa sidoo kale maxkamadda lasoo taagay 30 qof dad ka badan oo ay aad isugu dhawaayeen Col. Mucamar Al-Qadaafi, ayaa lasoo taagay Maxkamadda.

Dadkan ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo inay awood u isticmaaleen dad si nabad ah u dibadbaxayay xilligii kacdoonka uu ka socday dalkaas Sannadkii 2011-kii.

Saif al-Islam Al-Qadaafi ayaa Fiidiyow kaga Qayb-qaatay Maxkamadda isagoo ku Sugnaa jooga Magaalada Zintan ee Waddaka Liibiya, Halkaasoo ay ku heystaan koox Mucaaradka dalkaas ka mid ahayd.

Ugu dambeyn, Markii la Qabtay Saif Islam ayaa la sheegay in laga jaray farta Suulka ku xigta  ee loo yaqaanno Murug-satada oo uu caan ku ahaa inuu dadka ku taago.

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadeynta Wiilkii hore ee Qadaafi iyo Xubnihii ka Tirsanaa Xukuumaddii Qadaafi  ayaa Noqonaysa tii ugu Horreysay oo Liibiya lagu Qabto Tan iyo Markii Xukuumaddii Col. Qadaafi xukunka laga tuurtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya