4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Muqdisho oo Berri lagu Qabanayo Shir looga Hadlayo Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Barri oo Arbaco ah ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka furmaya shir Caalami ah oo looga hadali doono dardar-galinta Barnaamijka New Deal-ka iyo Guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka Gaartay Dhinacyadda Siyaasadda, Amaanka, Hormarinta dalka iyo Suuro-galnimada in dalka ay ka dhacdo doorasho Sannadka 2016-ka.

Dowladda Somalia ayaa wadda diyaar-garow ku aaddan marti-galinta shirkaas oo lagu qaban jiray dalka Dibaddiisa, isla markaana ay ka qayb-galayaan  xubno Matalaya Beesha Calamka, Maamul-goboleedyada dalka, Madaxda Dowladda FS iyo Bulshada Rayidka ah.

RW ku xigeenka Xukumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa kormeer ku tagay maanta Xarunta lagu Qabanayo Shirkan, taasoo ay dowladda Somalia ka sameysay Taliska Ciidamada Cirka ee Afisiyooni.

Sidoo kale, Wasiirka Qorsahynta iyo Iskaashiga Calamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Caynte ayaa Warbaahinta u sheegay Maanta in Shirkan uu Ahmiyad gaar ah u leeyahay Dhaqan-gelinta Mashaariicda Midowga Yurub ay Horay ugu Ballan-qaadeen in dalka laga hirgeliyo.

“Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Gudaha Soomaaliya, kaasoo looga hadalayo barnamijka New Deal-ka ee looga dhawaaqay Brussels sannadkii 2013-kii, kaas oo micnahiisu ahaa maaraynta deeqaha Dowladda Soomaaliya ay Caalamka ka hesho iyo xoojinta geeddi-socodka Hiigsiga Soomaliya,” ayuu yiri C/raxmaan Caynte.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa guddoomin doona shirka oo ay kasoo Qayb-galayaan dowlado iyo wakiillo ka socda caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya