4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Xukuumada iyo Baarlamanka Somalia oo Go’aan Wadajir ah kasoo saaray Doorashada 2016-ka


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Kulan ay xildhibaannada Baarlamaanku FS maanta ku yeesheen Muqdisho ayna ka Qayb-galeen RW Somalia iyo Wasiirrada Siyaasadda dalka Qaabilsan ayaa laga soo saaray go’aan ah in Sanadka 2016-ka aysan dalka ka dhici karin doorasho xor ah.

Shirkaas oo ay soo Xaadireen 158 Xildhibaan ayaa sidoo kale laga Shaaciyay in la qabto Shirweyne ay ka qayb-galaan Goleyaasha Dowladda, Maamullada dalka ka jira, Axsaabta Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka ah, kaasoo looga tashanayo xilliga doorasho suuro-gal ah la qaban karo.

Intii uu kulanku socday ayaa la caddeeyay inay waajib tahay in shaqooyinkaas lasoo Gaba-gabeeyo inta uusan dhammaan Sanadkaan 2015-ka ee lagu jiro oo ah Sannadka keliya ee Dowladda hadda jirta uga harsan xilligeedii shaqo.

RW Somalia, Cumar C/rashii Cali ayaa sheegey in Berri oo Arbaco ah la Qabanyo Shir looga hadlayo dhameystirka Hiigsiga Sannadka 2016. shirkaas oo ay ku ballansan yihiin Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada dalka ka jira; waxaa la iskula meel-dhigayaa go’aannada kama dambeysta ah ee ku aaddan sida laga yeelayo sannadka 2016 oo la filayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo kan Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku sugan Muqdisho, iyagoo diyaar u ah ka Qaybgalka shirkan.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo xukuumadda iyo Baarlamaanka FS ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan in dalka aysan doorasho aysan ka dhici karin marka la gaaro Sannadka soo socda ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya