4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
JAWAARI: Dalka Doorasho Qof iyo Cod ah kama dhici karto Marka la gaaro Sannadka 2016-ka


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia,  Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay Hiigsiga 2016-ka, isagoo Xusay in aanay Dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Jawaari oo ka hadlayay shirkii baarlamaanka ee Isniintii ayaa hoosta ka xariiqay in la wada ogyahay in aanay bisha Ogoosto ee Sanadka 2016-ka kaddib dalka ka dhici karin doorasho rasmi ah.

“Waxaa isku raacsannahay ama la og-yahay xukuumadu og-tahay, Ruux kasta oo Soomaali ahna og-yahay in wixii ka dambeeya Bisha Ogoosto sanadka 2016-ka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Waxaan sidoo kale la soconnaa in Dastuur ahaan baarlamaanka, madaxweynaha iyo intii la doortay 10-kii September sannadkii 2012-kii uu xilka noogu eg-yahay Ogoosto 2016-ka,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa tilmaamay in sababta aanay dalka doorasho qof iyo cod ah uga dhici karin inay tahay, iyadoo aanay dhameystirnayn hay’adihii dowliga ahaa qaarkood, Dastuurkana uusan ahayn mid dhameystiran, tira-koob sax ah oo la hayana aysan jirin iyo weliba in aanu wanaagsanayn amniga dalka.

“Waxaa loo baahan yahay in marka la Qabanayo doorasho Baarlamaanka Hadda jira uu bedelo Baarlamaan kale oo lasoo doortay, Qodobbada Dastuurka in la ix-tiraamo waaye. Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ahaan waxaa nalooga baahan yahay haddii mar waajibaadka naga dhamaado; sida loogu sii socon karo in aynu ka wada fikirno,” ayuu Jawaari ku daray hadalkiisa.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan soo jeediyay in baarlamaanka hadda jira waqti kordhin loo sameeyo, si uu u diyaariyo shuruucdii Wadanka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod.

Dhinaca kale, Baarlamaanka Somalia ayaa maanta kulan ka yeelanaya Hiigsiga 2016-ka, waxaana laga doonayaa guddi-hoosaadyadu inay kasoo talo-bixiyaan siyaasadda dalka iyo sida loogu gubdi karo Hiigsiga sannadka 2016-ka ee dalka lagu gaarsiinayo doorasho.

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dhowr jeer oo hore ku celiyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Calaamka inuusan jiri doonin muddo kororsi marka la gaaro sannadka 2016-ka, dalkana ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, berri oo Arbaco ah ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka furmo kulan ballaaran oo looga hadlayo Hiigsiga Sannadka 2016-ka, kaasoo ay kasoo Qaybgalayaan Maamullada Gobollada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya