4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
DR. DUFLE oo Bulshada Soomaaliyeed uga digay Khatarta Cudurka Cagaar-showga (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) —  Iyadoo 28-ka July ee Sanad kasta laanta caafimaadka Aduunka ee WHO ay u Aqoonsatay maalinta ka hortaga cudurka Cagaarshowga (World Hepatitis Day)  ayaa dhaqaatiirta Soomaaliyeed waxay uga digayaan bulshada qatarka uu cudurkaas leeyahay iyo saameynta uu caafimaadka qofka ku yeesho hadii uu haleelo.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cudurkan cagaarshowga uu yahay cudur qatar ah oo caalamku u aqoonsaday dilaaga aamusan.

Cudurka Cagaarshowga ayuu dhakhtark sheegay inay keenaan feyrusyo kala duwan kuwaa oo keeno burbur iyo dhaawac ku dhaca unugyada beerka (Hepatitis).

Cagaarshowga A: (Hepatitis A Virus – HAV) ayuu intaa ku daray inuu yahay nooca ugu badan, uuna sanadkii ku dhaco tiro dhan 1.4 milyan, isagoo xusay inuu mararka qaarkood dadka ugu dhaco hab hab saf mareen ah (Outbreak).

“Wuxuu ku badan yahay Cagaarshowgu goobaha nadaafadoodu hooseyso dad badan ay ku nool yihiin (Crowded area) sida xeryaha qaxootiga IWM, Feyruska wuxuu soo raacaa saxarada, waxaana gudbiya gacmaha ka dib marka la cuno cunto ama la cabo biyo aan nadiif aheyn oo jeermiga ku jiro” ayuu intaa ku daray.

Dr. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa intaa ku daray in cagaarshowga A (HAV) marka qofka dhiigiiso galo ilaa calaamooyinka ka soo if baxayaan ay qaadaneyso muddo dhan qiyaastii 30 maalmood. “Noocan A dhaqso ayaa looga bogsadaa, wax raagis ahna ma yeesho (Chronic Form)” ayuu intaa ku daray Dr. Dufle.

Wuxuu sheegay in si dadka looga wacyigeliyo qatarka cudurkan loo baahan yahay in dadku ay fahmaan waxaa keena cudurka, calaamadaha lagu garto, iyo sida looga daweeyo dadka, wuxuuna yiri isagoo arimahaas sharaxaya:-

Cagaarshowga B: (Hepatitis B Virus – HBV) Cagaarshowga noocaan waxaa keena feyrus B (HBV), wuxuuna ka mid yahay kuwa ugu qatarsan, Marku feyruska dhiiga galo ilaa iyo calaamooyinka ka soo ifbaxayaan waxey qaadaneysaa muddo dhan qiyaas ahaan 75 maalmood. wuxuuna leeyahay raagis (Chronic infection), iyadoo Cagaarshowga nooca B uu ku gudbo dhiiga iyo dhecaanka qofka jiran marka uu gaaro dhiiga qofka fiyow sida:-

Hooyada uurka leh oo cunuga u gudbin karta xiliga dhalmada (Perinatal Transmission), Dhiig ku shubid, Cirbid lagu duray qof jiran oo qof kale loo isticmaalo, Qalabka lagu xiirto sida Sakiinta ama Garxiirka oo wadar loo isticmaalo, wuxuu ku gudbi karaa galmada, Wuxu kaloo ku gudbaa daawo dhaqameedka sida:- -   Dalqa-goynta, qun goynta, ilka bixinta, gudniinka fircooniga, gudniinka ragga, dhalma dhaqameedka, sarsarmada, toobinta oo qalabka loo isticmaalo aan la jeermi dilin.

Cagaarshowga C (Hepatitis C Virus – HCV). Wuxuu ku gudbaa dhiigga iyo dheecaanka qofka jiran marka uu gaaro qofka caafimaad Qaba. Marku feyruska dhiigga galo illaa iyo Calaamooyinka kasoo if-baxayaan Waxay Qaadaneysaa muddo qiyaas ahaan 60 maalmood (45 -180 maalmood).

Cagaarshowga nooca C (HCV) wuxuu yeeshaa raagis (Chronic Hepatitis) 75% ilaa 80%, khatarta kale uu leeyahay waxaa ka mid ah in calaamooyinkii cudurka badanaa aysan soo Ifbaxin 60% ilaa 80% (Asymptomatic), taas ayaa keentay magaca la siiyay oo ah dilaaga aamusan (Silent Killer).

Calamooyinka Cudurka Cagaarshowga;

Qeybta Hore: Waa xiliga Cagaarkii wali soo if bixin (Pre-icteric Phase): labolabo, bog xanuun, madax xanuun, matag, cuntada uu qaadan waayo, daal badan, xumad, qun-xanuun, murqo xanuun, xubno xanuun, shuban yar. calaamooyinkas waxay ay jiri karaan muddo dhan 10 illaa 14 casho.

Qeybta labaad: Waa xiliga cagaarka muuqanayo (Icteric Phase): Xiligan waxa soo muuqanaayo cagaarki indhaha, oogada, kaadida oo gaduud noqota sida shaah (Dark Urine), saxarada oo midab cadaata iyo kor cuncun. Xanuun yar oo dhinica beerka ku aadan iyo qanjiro barar. Calaamadahaan waxey jiri karaan muddo dhan 2 ilaa 3, 4 usbuuc.

Qeybta Sadaxaad: waa xiliga ka bogsashada cudurka (Convalescence phase):Xiligaan calaamooyinka cudurka oo yaraada ilaa ay ka baaba’aan sida cagaarka indhaha iyo oogada, taas macanaheedu ma ahan in bukaanku ka reestey cudurkii balse beerkii wali waa waa bukaa, waxeyna qaadaneysaa bogsashadiisa 2 ilaa 4 bilood.

Dabka iyo Cagaarshowga;

Bulashada soomaaliyeed qaar badan waxey aminsanyihiin in cudurka cagaarshowga lagu daaweyo dabka bukaanka la gubo, Hadaba dabka iyo cudurka cagaarshowga haba yaraatee wax xariir ah oo ka dhaxeeya ma jiraan.

Siyaabaha looga hortago Cagaarshoowga;

Ka hortagga cudurka cagaarshowga waxaa muhim ah in laga fogaado qaabkii aan soo sheegnay ee uu cudurka ku gudbo in la xoogiyaa nadaafada gacmaha cuntada ka hor iyo markii musqusha lagalo, waa in la xoojiyaa nadaafada guriga iyo musqusha, waan in si fiican loo mayraa qudaarta, waa in la ilaaliyaa nadaafada raashiinka la cuno.

Waxaa kaloo muhiim ah cirbadaha leesku duro,sakiinta garxiirka iyo cadayga ilkaha in aan wadar loo isticmaalin, laguna tuurin dibadda. Sidoo kale waxaa muhiim ah qalabka loo isticmaalo ilka bixinta dalqa gooynta qungooynta gudniinka Wiilasha dhaga durista uu nadiif yahay lana jeermi dilo taaso laga helo xarumaha caafimaadka. Lamaanaha isguursanaya waa in ay iska baaraan feyruska cagaarshowga nooca B.

Ka hortagga ugu muhimsan waa tallaalka cagaarshowga nooca A (HAV) iyo nooca B (HBV), oo ka hortagaya in cudurka cagaarshowga qofku haleelo  wuxuu siinayaa awood difaac oo joogto noqota.

Talo-siinta qofka qaba cudurka cagaarshowga;

Bukaanka qaba cudurka cagaarshowga waxaan kula talinayaa   marka uu cudurka isku arko in durbadiiba uu la xiriiro dhaqtar, isla markaasna qaato talada iyo daawada uu siiyo dhaqtarka.

Waxaa la faryaaa Nasasho dheer ugu yaraan 3 ilaa 4 usbuuc, Raashinka: Qofku haduu afka wax ka qaadan karo waa in uu badsadaa qaadashada cuntada macaan ama malabka shinnida si uu helo tamar badan (Energy), Dabcan arrimahaas aan soo sheegnay waa ka reebban yihiin qofka kaadi-macaanka qaba.

Waa inuu aad u yaraystaa cunista subagga iyo cuntada shiilan Waa in uu ka fogaado bukaanku cabidda khamiriga, sigaarka iyo cunidda daawo aan dhaqtar u qorin.

Ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaadadayaa in bulashadeena soomaaliyeed ay xoojiyaan ka hortagga cudurrada faafa iyagoo kordhinaaya wacyigooda caafimaad si loo helo bulsho caafimaad qabta. Waxaana hubaal ah in ka hortagga cudurrada ay ka wanaagsan yahay daweynta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya