4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2015
Hoggaamiyaha Al-shabaab oo Sheegay inaysan wadahadal la galayn DFS ayna dagaalka sii wadayaan


Talaado, Luuliyo 28, 2015 (HOL) — Hogaamiyaha Al-shabaab, Sh. Axmed Cumar Abuu-Cubeyda oo ay soo xiganaysay Warbaahinta Britain ayaa sheegay inaysan daiyaar u nahay xilligan wadahadal ay la galaan dowladda Federaalka Somalia, balse ay diyaar u yihiin in ay dagaalamaan illaa inta ay ka geeriyoonayaan.

Sh. Abuu-Cubeyda ayaa intaas ku daray inay ka go’an tahay inay dagaallamaan oo xitaa ay gaarsiiyaan dagaalkooda dalalka geeska Afrika oo dhan, sida Kenya, Itoobiya, Jabuut iyo Uganda oo ay dhamaantood ciidammo ka joogaan Somalia.

“Ma jiro wax wadahadal ah oo aynu la galayno dowladda; mana jiro wax xal ah oo aan ahayn inaan dagaalka sii wadno illaa aanu ka geeriyoonayno,” ayuu ku yiri Abuu-cubeyda Warbixintiisa.

Sidoo kale, Amiirka Al-shabaab ayaa xusay inay sii xoojinayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo hadda dhul hor leh ka Qabsanaya Al-shabaab.

Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabaab oo hoggaanka kooxda hayay tan iyo markii la dilay Amiirkii hore ee kooxa Bishii September 2014-kii ayaa ugu baaqay dadka Muslimiinta ah ee ku nool Kenya, Uganda, Itoobiya iyo Afrikada Dhexe inay la Dagaallamaan Dowladaha Wadamadooda.

Dhanka kale, Muslimiinta ku nool dalalkaas ayuu sheegay inay ku casuumayaan Somalia si ay tababar ugu qaataan xeryahooda isagoo intaa ku daray inay hub ugu deeqaayaan si ay u caawiyaan.

Al-shabaab oo hadda laga Qabsanayo Magaalooyin ay xilli fog Maamulayeen iyagoo aan wax iska caabin ah sameynayn ayaa haddana waxa Muqdisho ka geystay Axaddii aynu ka soo dhaafnay Qarax Ismiidaamin ah oo Hoteel Jazeera kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan labaatan qof.

Ugu dambeyn, hadalka Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo Dowlada FS ay ka dhawaajisay dhawaan inuu weli u furan yahay Albaabka Dagaalyahannada Al-shabaab ee doonaya inay joojiyaan dagaallada, ayna nabadda ka Qayb-qaataan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya