4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Xildhibaannada Galmudug oo bedelay Qodobka ku saabsan Xuduudda ay la wadaagaan Puntland


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Kulan ay Xilhdibaannada Baarlamaanka KMG ah ee Galmudug maanta ku yeesheen Cadaado yaa waxay isbedel ku sameeyeen Qodob ka mid ah Dastuurka maamulkaas; iyadoo isbedelkaas uu soo dhaweeyay Madaxweyne Somalia, Xasan Sheekh.

Qodobka Is-bedelka lagu sameeyay ayaa ahaa Qodobka Labaad ee Dastuurka Galmudug Farqaddiisa Afaraad oo ku Saabsan Xuduudda Maamulkaas uu la leeyahay Puntland oo horay u ahayd Xuduudka Gobolka Nugaal ee Puntland, iyadoo laga dhigay Xuduudda laga dhigay Gobolka Mudug, Sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir.

Sidoo kale, Afhayeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa xusay in Dastuurkooda ay horay u Ansixiyeen Ergooyinkii degmada Cadaado ku shirayay, balse iyagu ay maanta ka bedeleen Qodobkaas.

Tallaabada ayaa imaanaysa kaddib markii madaxweynaa Puntland, C/weli Gaas uu horay u heegay in Xuduudda Maamulka Galmudug laga dhigo Nugaal ay ka dhigi doonaan iyaguna xuduudda Puntland Degmada Guriceel.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aanka baarlamaanka Galmudug uu ku beddeley qodobka ku saabsan Xadka Maamulka Galmudug uu la wadaago Puntland.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha maamulka waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhaweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaas leh. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dalka u dhexeeya; waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, taasoo dan u ah shacabka Soomaaliyee,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa mar kale ku celiyey in Nabadda iyo Horumarka laga wada shaqeeyo, lagana fogaado colaadaha, khilaafka iyo wax kasta oo shacabka kala fogeyn kara.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya