4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
KENYA: Siyaasiyiinta Isbahaysiga JUBILEE oo isku khilaafsan Arrinta Xil. Aadan Barre Ducaale


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Xubno ka Tirsan Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ee Kenya "United Republican Party" URP ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya William Ruto, ayaa taageero xoogan u muujiyay hogaamiyaha golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya Mudane Aden Bare Ducaale oo dhawaanahaan xubno ka tirsan xisbiga ay bah-wadaagta yihiin ee TNA ay sheegeen iney mooshin ka dhan ah u gudbin doonaan Baarlamaanka Kenya.

Mudanayaasha Xisbiga URP ee uu dowladda ku soo galay Aden Bare Duale, ayaa waxey ka soo horjeedaan hanjabaadyo ka soo baxay Xildhibaano ka tirsan Xisbiga ay ku mideysan yihiin Isbahaysiga Jubilee ee TNA, isla markaasna waxey sheegeen iney ka hor imaan doonaan tilaabo kasto oo la damacsan yahay in xilka looga qaadaayo Ducaale.

Charles Keter oo ah Senator-ka ismaamulka Kericho iyo Xildhibaanka deegaanka Ainamoi oo lagu magacaabo Benjamin Langat, ayaa sheegay iney abaabuli doonaan xubnaha ay ku leeyihiin Isbahaysiga Jubilee, isla markaasna aysan ogolaan doonin dhaqaaq kasta oo lagu doonaayo in codka kalsoonida loogu qaado Ducaale.

Keter ayaa tilmaamay in aaynan ka wal walsaneyn hanjabaada ku saabsan Mooshin, wuxuuna intaas ku daray iney si sharciga waafaqsan kula macaamili doonaan cid kasto markey arrintaas soo baxdo.

Hadalka siyaasiyiintaan ayaa ku soo beegmay, iyadoo dhawaan xildhibaano ka tirsan Xulafada Qaranka ama The National Alliance (TNA) ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Kenya - Uhuru Kenyatta ay ku hanjabeen in Mooshin ka dhan ah Aadan Bare ay geyn doonaan Baarlamaanka Kenya hadii uusan soo bandhigin liiska Argagaxisada iyo dadka taakuleeyo.

Kanini Kega oo ah Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kieni ee hoos yimaado degmada Nyeri ee bartamaha Kenya, ayaa saddex toddobaad ka hor sheegay inuu qoray Mooshin dhaleeceyn ah oo codka kalsoonida loogu qaadaayo Aadan Bare Ducaale kadib markii 12 qof oo ka soo jeedo deegaankaas, kana shaqeynaayay goob dhagaxaanta laga qodo oo ku taallo deegaan hoos yimaado Mandheera la dilay.

Wakhtigaas kadib siyaasiyiin labada dhinac, ayaa warbaahinta isku dhaafsanaayay hadalo la xiriirto arrinta Xildhibaanka laga soo doortay degmada Gaarisa Aadan Bare Ducaale oo ah Hogaamiyaha Golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya.

Dhanka kale muranka ku saabsan in la soo bandhigo Magacyada dadka argagaixisada ah iyo kuwa dhaqaalaha siiyo, ayaa waxey soo bilowdeen bishii afaraad ee sanadkaan kadib markii la weeraray Jaamacada Magaalada Gaarisa oo lagu dilay in ka badan 147 qof.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya