4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Wariyeyaal ku Geeriyooday Qaraxii shalay ee Hotel Jasiira oo Maanta lagu Aasay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Waxaa maanta lagu Aasay Magaalada Muqdisho Allaha u naxariisteen laba Wariye oo bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ka mid ahaa, kuwaasoo ku dhintay Qaraxii shalay lala beegsaday Hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka Hadlay Geerida Wariyeyaashan Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Suxufiyiintan ayaa kala ahaa; Marxuum Maxamed Cabdikariin Macallin oo u shaqeynayay Universal TV iyo C/xakiin Maxamed Cumar oo horay ugu shaqeynayay Idaacadda SBC. Halka uu ku dhaawacmay Qaraxa Weriye Salmaan Saciid oo u shaqeynayay Telefishinka Universal, kaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Madiina.

Wariye Maxamed C/kariin ayaa Muqdisho ku sugnaa muddo hal Toddobaad ah, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Bariga Afrika ee Telefishinka Universal, C/llaahi Xersi, waxaana marka shilku dhacayay ay isaga iyo Salmaan Saciid ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dooneen Weriye C/xakiin Maxamed oo markii ay kasoo laabteen Garoonka la kulmay Weerarka Is-miidaaminta ah.

Ururka NUSOJ ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Marxuum C/xakiin Maxamed Cumar meydkiisa la helay xalay abaare 9:30 Fiidnimo, ayna dadaallo badan kaddib u suuro-gashay in maydkiisa laga qaado halkii uu ku dhintay lana geeyo Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim oo Aaska suxufiyiintan oo ka dhacay Qubuuraha dugsiga Tababarka Booliiska ee Jen. Kaahiye ka qaybgalay ayaa ku tilmaamay falkaasi lagu dilay mid arxan-darro ah, isagoo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu baaay inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

“Inaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Geerida Suxufiyiintan waa mid xanuun badan, Walaalaheen keliya kama bixin Qoysaskooda ee waxay ka baxeen bahda Warfidiyeenka Soomaaliyeed oo dan,” ayuu yiri Xoghayaha NUSOJ, Maxamed Ibrahim.

Ugu dambeyn, Mr. Ibraahim ayaa intaa ku daray in Suxufiyiinta Soomaaliyeed Feejignaan dheeraad ah Muujiyaan, Allena uga baryay kuwa geeriyoodayna inuu naxariistiisa siiyo, midka dhaawaca ahna uu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Si kasta ha ahaatee, Labada Suxufi ee Maanta Muqdisho lagu Aasay ayaa ka tagay Xaasas iyo Caruur.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya