4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo loo Doortay Xaliimo Yareey (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Xaliimo Ibraahim Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, kaddib Munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho.

Munaasabadda doorashada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Sidoo kale, Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ayaa Waxay Guddoomiye ku Xigeenka u Doorteen, Siid Cali Sheekh Maxamuud, kuwaasoo wixii maanta ka dambeeya hormuud u noqon doona guddigan oo howlo aad u badan laga sugayo.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qaybgalay munaasabadda doorashada oo hadal jeediyay doorashada kaddib ayaa ammaanay sida ay u dhacday doorashadii Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka iyo Guddoomiye ku xigeenka lagu soo doortay.

"Waxaan ballanqaadayaa inaan howsha la ii igmaday ee ah hoggaaminta Guddiga madaxa-bannaanee Doorashooyinka aan u gudto si cadaaladi ay ku jirta, uguna shaqeeyo dalkeyga iyo dadkayga sidii dalka doorasho loo gaarsiin lahaa," ayay tiri Xaliimo Yarey oo goobta ka hadashay doorashadeeda kaddib. 

Xaliimo Yarey ayaa horay guddoomiye ugu soo noqotay Guddigii Farsamada ee dhismaha Maamulka Galmudug, iyadoo sidoo kale soo noqotay Guddoomiyhihii Ergadii soo xulay Baarlmaaanka Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa shalay guddoomiye u doortay, Khaliif C/kariin Maxamed, halka Guddoomiye ku xigeen loo doortay, Muuse Waxgarad C/llaahi, iyadoo Xoghayaha Guddga loo doortay, Liibaan Cali Sahal.

Ugu dambeyn Gguddiyadan labada ah oo min SAGAAL Xubnood ka kooban ayaa Waxaa Toddobaadkii hore Meel-mariyay Baarlamaanka Somalia, inkastoo Guddiyadan ay kasoo horjeesatay Puntland oo ah maamulka ugu tunka weyn maamullada ka jira Soomaaliya ee Qaybta ka ah Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya