4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Saraakiisha Ciidamada DFS ee Gobolka Gedo oo sheegay inay Deegaanno Hor leh Qabsadeen


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay maanta inay Al-shabaab ka qabsadeen deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobalkaas.

C/llaahi Cismaan Isaaq oo ka mid ah Saraakiisha DFS ee Gobolka Gedo ayaa u Sheegay Warbaahinta in Ciidamada dowladda ay qabsadeen deegaano ku dhaw deegaanka Carra-Case ee Gobalka Gedo, halkaasoo ay kula dagalameen xoogag ka tirsan kuwa Al-shabaab.

Sidoo kale, sarkaalka ayaa sheegay in Deegaannadaas ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeya ciidamadooda iyo xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

“Dagaal culus ayaan la galnay Xoogagga Al-shabaab, waxaan ka Qabsanay Deegaanno ku dhow deegaanka Carre-Case, Waxaan kaga dilnay toddoba dagaalyahan, Annagana waxaa nooga dhaawacmay saddex ka mid ah Ciidamadeenna,” ayuu yiri C/llaahi Isaaq.

Al-shabaab ayaan iyadu weli ka hadlin dagaalladaas iyo in laga qabsaday iyo in kale, balse Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii ugu dambeeyay ay ku durkayay deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya