4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
SAWIRRO: Siilaanyo Maanta oo Safar ku Tagay Laascaanood isagoo Dhagax-dhigay Waddooyin


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Max'uud Siilaanyo ayaa Maanta dhagax-dhigay dhawr waddo oo Laami ah oo laga dhisayo degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaddib Safar uu saaka ku yimid Laascaanood.

Safarka Siilaanyo oo ay ku Weheliyeen inta badan Golihiisa Wasiirrada kormeer ku maray Mashaariic Waddooyin ah oo lagaga wado magaalada Laascaanood, isagoo dhagax-dhigay laba wadeo oo la sheegay in dhererkoodu yahay 10-KM, waxaa kaloo uu dhagax-dhigay laba mashruuc oo dhinaca Waraabka ah oo kala ah Riig-biyood iyo biyo-xireen ku yaala Bariga Magaalada Laascaanood.

“Waxaan u Laascaanood u Nimid in aanu idin soo Gaadhsiinno Horumar iyo Wax-qabad aanu ugu talo-galnay Bulshada Gobolka Sool,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland mar uu Waxgarad deegaanka ah kula Hadlayay Hoteel Xamdi oo ku yaalla Bariga Magaalada Laascaanood.

Qaar ka mid ah Wax-garadka oo Halkaas ka Hadlay ayaa Waxay uga Mahad-celiyeen Madaxweynaha Wax-qabadka, iyagoo Ballan-qaaday Qaarkood in ya Taageeradooda Siinayaan.

Dhanka kale, Safarka Siilaanyo ayaa kusoo beegmaya xilli ay maanta ku egtahay Waqtigii loo doortay Madaxnimada Somaliland, Waxaana dad badan ay wadnaha ku hayaan farta, iyagoo ka baqdin qaba kacdoonno Siyaasadeed oo ka billowda deegaannada ay ka taliso Somaliland.

Ugu dambeyn, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ku qeexaya Siyaasadda Salka ku haysa Safarkan iyo Awoodda Dowladeed ee ku Wehelisa, Qaar ayaa waxay leeyihiin wuxuu soo banneeyay buuqa Caasimadda oo ay madaxda mucaaradku ku sugan yihiin, halka kuwo kalena ay leeyihiin ciidamada Somaliland ayuu u soo aaday Sool si uu ula dardaarmo oo uu waqtigii Qadada kula Qaadanayay Tuulada Ganbadhe oo 30-KM kaga beegan dhanka Bari Magaalada Laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool