4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Ruuxii fuliyay Weerarkii Hotel Jasiira ee Muqdisho oo la sheegay inuu ahaa Ruux Somali-Jarmal ah


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu Weeraray Hotel Jasiira ee Muqdisho ayaa wararka soo baxaya waxay ku warramayaan inuu fuliyay Ruux Somali ah oo haysta dhalashada dalka Jarmalka oo degenaa Magaalada Bon.

Warar laga helayo ilo ku dhow hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xaqiijinaya in ruuxa Weerarka fuliyay uu yahay Somali-Jarmal, balse aan magaciisa qofka aan weli la sheegin, inkastoo wali ay socdaan baaritanano arrintan la xiriira.

Khuburo Ajnabi ah oo ku Xeel-dheer baaritaanka DNA-ga ayaa ka qaaday Goobta Qaraxu ka dhacay qaybo ka mid ah jirka Ruuxa Weerarka is-miidaaminta ahaa fuliyay, si ay baaris ugu sameeyaan.

Inkastoo Laamaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli si Rasmi ah uga Hadlin Ruuxa Fuliyay Weerarka, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab isla shalay sheegatay in iiyagu ay ka dambeeyeen Weerarkaas.

Sidoo kale, Weerarkii Hotel Jasiira ayaa ahaa mid aan horay uga dhicin Soomaaliya isagoo ahaa mid xoogan oo laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan, iyadoo burbur xooggan uu gaaray dhismaha hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo ay ku jireen laba Suxufi oo Somali ah iyo Dublamaasi u dhashay Waddanka Shiinaha, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad 30-qof ka badan.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Weerarka Hotel Jasiira uu ahaa mid ay ugu Aar-gudayeen dad ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool.

Ugu dambeyn, bishii Jannaayo ee Sannadkan ayaa Weerar is-miidaamin ah lagu Qaaday Hoteelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada Somalia, kaasoo ruuxii fuliyay la sheegayi nuu ahaa ahaa Soomaali haystay dhalashada dalka Switzerland.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Hoteelka Jasiira oo war-saxaafadeed ay Maanta kasoo saareen weerarka ayay ku sheegeen in Gudaha Hoteelka ay ku dhinteen saddex qof oo uu ku jiro ruux Shiineys ah ayna ku dhaawacmeen afar qof oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya