4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Ciidamada Somaliland oo ka hadlay Shaqaaqo ka dhacday Jaamacadda Hargeysa (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Dhallinyaro careysan ayaa maanta dhagax ku Weeraray Jaamacadda Hargeysa (Hargeysa University), kaddib markii khilaaf muddo soo Jiitamayey oo ku salaysan Macallin Jaamacadda laga eryay ay ka hor-yimaadeen in la eryo Ardayda Jaamacadda dhigta Qaarkood.

Dhallinyaradan soo Weerartay ayaa Taageerayey Hormuudka Kuulliyada Sayniska oo shaqaddii laga joojiyey, kuwaas oo ka cadhaysnaa shaqadaasi laga joojiyey iyo muranka oo muddo soo jiitamayey oo ay wax ka qaban kari waayeen maamulka sare ee jaamacadda, waxaanay dhalinyartan abaabulan khasaare u geysteen gaadiidkii jaamacadda yaallay iyo jaamacada lefteedda.

Sidoo kale, waxa khasaare ka soo gaadhay macalimintii, iyadoo weerarkana dhacay wakhti imtixaankii lagu guddo jiro, taas oo keentay in gabi ahaanba la joojiyo imtixaankii.

Taliye kuxigeenka ciidanka booliska Somaliland, sarreeye guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa sheegay in 16 qof loo hayo shaqaaqo saaka ka dhacday Jaamacadda Hargeysa.

“Maanta oo bishu 27 tahay, Jaamacadda waxaa ka furmayay Imtixaankii. Maamulka jaamacadda ayaa nala soo hadlay waxaanay nagu yidhaahdeen ciidankii hore noogu joogay 10 Askari noogu soo kordhiya. Anagu ciidan badan iyo qoladii dhar cadda ahayd ayaanu u dirnay. Ciidankaasi 5-tii subaxnimo ayuu tagay jaamacadda, hawlihiisii ciidana si fiican buu u watay” ayuu yidhi Taliye ku xigeenka Fooxle.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Dhibaatada meesha ka dhacday waxay ka bilaamatay jaamacadda gudaheeda. Wax dibadda ka yimid oo ku soo duulayna ma jirin. Ciidanku wuxuu ku wareegsanaa Dayrka, badhna Kidimada ayay fadhiyeen. Markii Macalimiintii mid walba Imtixaankii ula galay Ardaydii, Ardaydii Imtixaankii ayay boobtay, dabeed waxay jeex-jeexeen iyo waxay daadiyeen bay ka dhigeen. Hawshaasi gudaha ayay ka dhacday wax dibadda kaga yimidna ma jirin. Intaasi markay dhacday Ardaydii dhagax tuur bay bilaabeen saddex ilaa afar baabuur oo gudaha yaalay Muraayadaha ayaa wax ka gaadheen, ilaa 6 dibadda yaalayna muraayaddaha ayaa wax laga yeelay”.

“Illaa 16 nin baa hawshaa loo hayaa, baadhistiina way noo socotaa, cidii sharcigu ku caddeeyana hawsheeda ayaa laga gudanayaa. Arrintan wuxuun baanu u arkaynay arrin xagga maamulkooda gudihiisa ah, kolay inaan wax badan ka sii sheegana ma jecli laakiin, anaga waxaa na khusaysa xagga ammaanka.Hore iyo imikaba waxaan arkayay dad meelo wax galgalinaya oo qolada jaamacaddu leedahay taliyaha ciidanka ayaa wax ka qaban waayay. Taliyuhu falkii hore uga dhacay Jaamacadda sii xaqa ahayd ee waajibka ahayd ayuu wax uga qabtay, tan imikana sidii ugu wacnayd iyo gacan adag ayaanu uga hawlgalay, waanan ku hambalyaynayaa saraakiisha ciidanka,” ayuu yidhi Taliye Fooxle oo ka hadlayey dhalinyaradda loo xidh xidhay rabshadaha.

Si kastaba ha ahaatee, Guddida jaamacadda Hargeysa ayaa shaqaddii ka joojisay madaxa kuuliyadda Sayniska taas oo dhalinyaro badana ka xanaaqeen, isla markaana aan muddo dheer la dhamayn khilaaf soo jiitamayey oo ka jira maamulka Jaamacadda, iyagoo hore u sheegay in aanay yeelin in shaqadda laga joojiyo hormoodka kuuliyadda Sayniska oo ah macalinka muranka ka taagan yahay, iyagoo ku dooday dhalinyartani haddii shaqadda laga eryo hormoodkan in gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa shaqadda laga eryo, maadaama oo uu hore u shaaciyey inuu xilka iska casilayo.

Muranka Jaamacadda Hargeysa ayaa ah mid muddo soo jiitamayey, isla markaana lo xil saaray xallintiisa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, balse illaa hadda xal looma helin khilaafkaas.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland