4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Hay’ada CED oo Muqdisho ka furtay Kulan looga hadlayo Awood-siinta Haweenka (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Kulan looga hadlayay hanaanka awoodsiinta Haweenka ayaa maanta ka furmay Hoteelka Safaari ee Muqdisho, kulankan oo socan doono muddo laba maalin ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Hay’adda CED ayaa waxaa kasoo qeyb galay100 Haween ah oo ka kala socday 20-Urur Haween oo ka dhisan Gobolka Banaadir.

Furitaankii kulanka oo ay kasoo Qayb-galeen Mas’uuliyiinta Ururada Haweenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha iyo marti sharaf kale ayaa ugu horreyntii waxaa ka hadlay Agaasimaha Hay’adda CED Prof. Cabdullahi Cali Xasan.

“Mudnaanta 1-aad waxaan siineynaa Haweenka maadaama aan ugu yeernay barnaamijka Awood siinta Haweenka, Tababarro badan ayaan  horay u qabanay, Tababarkii koowaad  waxaan siinay  100 Haween oo ka socday 20 Urur Haween oo qaarkood halkaan nala joogo dadkii ka faa’iideystay, boqolkaas Haween ah waxay sii tababareen mid walba ilaa konton Haween ah ilaa la gaaray kun Haween ah, waxaana mahaddeeda leh Ururadii aan kala shaqeyneynay oo aan mahad weyn u celinaayo 20kii Urur Haween “ ayuu yiri  Prof. Cabdullahi Cali Xasan.

Sidoo kale, Agaasimaha Hay’ada CED Prof. C/llaahi Cali Xasan ayaa Haweenkii  kasoo qayb-galay barnaamijkan Awood siinta Dumar ku boorriyay doorka la doonayo in laga wada-qaybqaato, kana soo baxaan wax mira dhal ah oo meesha hadda ay joogto awood siinta Dumarka  meel ka badan la gaarsiiyo.

“Tababaradii hore casharadii aad ku qaadateen waxaa ka mid ahaa Hoggaaminta toosan, sida arrimaha Haweenka loogu doodo, Dowlad wanaagga iyo waxyaabo kale, waxaana u maleynaa in wax badan idiin tareen, waxaa la doonayaa in fikirku xaggiinna ka yimaado annaguna aan ka qeyb qaadano, waxaa nala joogo khabiir horay casharro uga bixiyay tababaradii hore, waa inaan ka faa’iideysanaa maadaama barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah noo lee yahay” ayuu yir Agaasimaha Hay’adda CED.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Hay’adda CED ayaa u mahadceliyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ArrimahaHaweenka iyo Xuquuqda Adanaha Marwo Muumino Sh. Cumar, iyo mas’uuliyiita kale ee ka soo gayb gashay kulankaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha bani’aadannimada Marwo Muumino Sheekh Cumar oo ka hadashay munaasabaddii furitaanka kulankii looga hadlayay Awood siinta istaraatiijiyadda Haweenka ayaa mahad ballaaran u jeedisay Hay’adda CED oo halkan isugu keentay ururro Haween oo horayna tababaro u siisay sidii ay wax u qabsan lahaayeen, uguna muuqan lahaayeen bulshada.

Wasiiradda ayaa ku boorisay ururadii Haweenka ee kasoo qeyb galay in awooddooda ay soo bandhigaan Haweenka soomaaliyeed, kana muuqdaan roleka siyaasadda ay ku leeyihiin.

Madashii kulankan ayaa waxaa kaloo ka hadlay mas’uuliyiinta ururadii kasoo qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen Marwo Hindo Axmed faarax oo ka socotay Urur Haween oo la yiraahdo SSWC ayaa waxay ammaan iyo bogaadin u jeedisay Hay’adda CED sida ay xilka isaga saartay sidii ay Haweenka Soomaaliyeed u muujin lahayeen awoodooda.

Drs. Maryan Yusuf Sh. Cali oo ka socoto Jaamacadda Ummadda ayaa ka hadashay muhiimada ay leedahayisku duubnaanta iyadoo arrimahaas ka hadlaysa ayay tiri “Haddii aa nahay Dumarka Soomaaliyeed waa ineynu isku daba feelnaa, waa inaan is aaminnaa haddii aanan is aaminin waxnoo hagagayaa ma jirto, awoodanada waxay soo bixi kartaa markii aan gacmaha isqab sanno, waxaa halkan ugu mahad celinaa Hay’adda CED oo runtii door weyn ka ciyaartay sidii ay Haweenka Soomaaliyeed u tusi lahaeyd xuquuqdooda”

Guddoomiyihii hore ee Ururka Haweenka Soomaaliyeed Caasha Cumar Geesdiir oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay ayaa wax badan ka sheegtay xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo mahad naq u jeedisay Hay’adda CED oo tababaro u siisay Ururadan.

Sidoo kale waxaa iyana mahad u jeedisay Hay’adda waxbarashada iyo Horumarinta (CED) Marwo Dahabo Sh. Maxamed oo ka socotay UrurkaHaweenka HANAD, “Maanta waxaan halkan ka qirayaa in tababaradii nala siiyay wax badan u tareen ururkeena Hanad waxaana mahadaa iska leh illaahey iyo Hay’adda CED oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay sidii Haweenka Soomaaliyeed awooddoodu usoo bandhigi lahaayeen” ayay tiri Dahabo Sh. Maxamed.

Hay’adda CED ayaa horay Tababaro ugu qabatay UruradanHaweenka kuwaas oo wax badan ka faa’iideys tay, uguna faa’iideeyay kuwa kale oo badan. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya