4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Wasiirka Amniga Gudaha oo Dalbaday Meel-marinta Sharciga La-dagaallanka Argagaxisada


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Somalia inuu meel-mariyaan Sharciga La-dagaalanka Argagixisada, kaasoo dhawaan la horgeeyay Golaha Baarlamaanka Somalia.

C/risaaq Cumar ayaa sheegay in Sharcigan ay soo darseen, isagoo wuxuuna ku daray intaas in amni ahaan uu dalka faa’iido u yahay haddii sharcigan la meel-mariyo.

“Qofka markuu og-yahay inuu sharci adag jiro, ciqaab adagna uu marayo, wuu baqanayaa, wuxuuna ogaanayaa in ciqaad adag ay ka horeyso dambigana waa uu ka leexanayaa,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in meel-marinta sharcigan qof walba muhiim u tahay, maadaama uu xusay in xal loo heli doono xasilinta Ammaanka guud ee dalka.

“Al-shabaab horay waxay u weerareen goobo muhiim ah sida wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Madaxtooyada, Dhismaha Baarlamaanka iyo meelo kale oo muhiim ah, marka haddii aanan dadka nuucaas ah u helin sharci aan kula dagaallanno ama naga qabta ma garanayo waxay dowladdnimadu tahay baarlamaanka waxaa ka dalbanayaa inay ansixiyaan sharcigan,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa Sabtidii loo qaybiyay Nuqullada Sharciga La-dagaalanka Argagixisada, iyadoo markay soo akhristaan la filayaa inay dood ka yeeshaan, kaddibna cod loo qaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya