4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Kulan lagu Taageerayay Xisbiga TAYO oo lagu qabtay Magaalada Columbus OHIO (SAWIRRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Waxaa lagu Qabtay Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio kulan wayn oo ay kasoo Qayb-galeen boqolaal dadwayne ah kuwasoo ku taageerayay xisbiga TAYO ee uu Horseedaha ka yahay Ra'iisul Wasaarihii hore ee DKMG ahayd ee Somalia, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Waxaa kulankaan oo ay ka hadleen qaar ka mida culumadiinka Soomaaliyeed,Horjoogayaasha jaaliyadda ee gobolka Ohio, Haweenka , odayaasha, iyo marti sharaf kala duwan oo qaarkood ay taageerada xisbiga uga yimadeen gobolo kale.

Ujeedada kulankaan ayaan waxaa su,aalay Abuukar Baale oo ka mid ahaa gudigii qabanqaabada kulankaan waxuuna yiri isagoo la hadalaya HOL waxaan u diyaar garoobaynaa doorashada 2016ka kulamadaan oo badana waxaan ku qaban doonaa meelo kala duwan ujeedaduna waxaa ugu wayn in aan taageero u helno TAYO oo ah xisbi dhisan aana  dhihi karo waxuu wax ka badali karaa wadankeena iyo dadkeena hadii alle idmo.

Maxamed Cabdulaahi waanu naqaan waxuu qabtay iyo meeshii wuu ka soo shaqeeyay marka uma baahnin in hada waxii ka danbeeya aan tijaabino qof cusub waxaa  sidaa taageero ugu muujiyay Farmaajo gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ohio Xasan Dheere oo ka mid ahaa dadkii kulankaan ka hadlay

Khadro Maxamed oo ka mida Aqoonyahaniinta  ku dhaqan gobolka Ohio ayaa ku sifaysay Farmaajo hogaaamiye ay u baahan tahay umadda Soomaaliyeed xaga shaqada amaanada hawlgarnimada wuu u muujiyay umadda xiligii wuu xafiiska joogay.

Waxaa kaloo kulanka heeso wadani ah ku soo bandhigay  kooxda  fanka ee Midnimo kuwasoo soo bandhigay heeso kiciyay shacuurtii dadwaynahii goobta ku sugnaa,

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u mahadceliyaya dadkii ka soo qaybgalay kulankaan waxuuna sharaxay barnaamijkaan  QARAAN QARAN,waxuuna sheegay  inay ka bilaabatay Shantii bishii Juun ee sanadkaan 2015ka ayaa dhalinyaro is abaabushay  oo dagan gobolka minnesota ay igu yiraahdeen  waxaan doonaynaa in aan kaala shaqayno 2016ka hadii wuu kugu jiro damac siyaasadeed. Ujeedadooduna waxay aheed inay ku abaabulaan umadda Soomaaliyeed waxayna taas kuu cadaynaysaa in damiirkii Soomaalinimo wali nool yahay. ayuu yiri Farmaajo

Waxaa kaloo wuu ka hadlay Farmaajo dhalinyarada  oo wuu sheegay in manta ay yihiin madaxdii dalka ee aysan aheen kuwii bari waxuuna ku dhiiriyay inay dalka wax u qabtaan, waxuu kaloo sheegay in dalku u baahan yahay dowlada amaano iyo cadaalad ku shaqaysa.

Soomaaliya uma baahna  kaalmada Shisheeyaha  ama 5 milyan oo la siiyo waxaan soo ogaanay in hadii dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan cashuurta lagu qabsan karo waxwayn tasoo oo ku dhiiriyay ganacsada inay bixiyaan cashuuraha.

Sanadka soo socda ee ah 2016 ma ahan xiligii aad doorashada dalka ka dhacaysa aad daawan lahaydeen waa kii aad ididnku dooran lahaydeen shaqsiga aad dalka ku aamintaan mana ah in mar danbe dalka lagu tijaabiyo qof cusub ayaa ka mid aheed hadaladii Farmaajo.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]  
OHIO, Columbus, USA