4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 27, 2015
Shirkada GOLIS oo Tartan Aqooneed u soo Gaba-gabeysay Dugsiyada Sare ee Puntland (SAWIRO)


Isniin, Luuliyo 27, 2015 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa tartan aqooneed u soo gaba-gabaysay dugsiyada sare ee Puntland ka dib munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay hoolka shirarka e Jaamacadda Bariga Afrika ee Garoowe.

Tartankan oo soo socday intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadan ayaa si rasmi ah waxaa tartanka kama danbaysta isugu soo haray dugsiyada kala ah Al-Nawaawi Garowe iyo Mubtada Burtinle,waxaana lagu tartan siiyay hoolka ay munaasbaddu ka dhacaysay.

Wasiirka warfaafinta Puntland  Maxamuud Xasan Soocadde ,wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Maxamed Cali Faarax ,gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw Axmed iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa shirkadda Golis ayaa kasoo qayb-galay gaba-gabadii tartankan.

Maareeyaha Guud ee shirkadda Golis Saciid Aadan Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in tartankan ay la kaashadeen idaacadda Daljir oo ka mid ah warbaahinada ka howl-gala Puntland,waxaana uu u hambalyeeyay dhinacyadii isugu soo haray tartankan.

Ka dib loolan aqooneed adag oo dugsiyada Nawaawi iyo Al-Mubtada dhexmaray waxaa guushu ay raacday dugsiga sare ee Mubtada Burtinle ,waxaana madaxdii ka soo qayb-gashay kulanka ay hambalyo u direen maamulka dugsigaasi oo markii ugu horeysay ku guulaystay tartankan.

“Waxaan ugu baaqaya shirkadaha wadanka ka jira in ay dhiiri-galiyaan ardayda dugsiyada sare si looga bad-baado in ay u tahriibaan dalalka dariska ah “ ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo goobta ka hadlay.

Ugu dambeyn, maareeyaha shirkadda Golis ayaa sheegay in Ramadaan walba ay qaban doonaan tartanno caynkan oo kale ah,waxaana intii lagu guda jiray bisha Ramadaan guud ahaan dalka ka dhacay tartan aqooneedyo kala duwan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]