4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Xasan Sheekh oo si kulal uga hadlay Weerarkii Hotel Jaziira Baaqna u diray Ciidamada Amniga


Axad, Luuliyo 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii Maanta ay Al-shabaab ku Qaadday Hoteel Jasiira oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa Sheegay in ujeeddada kooxaha Argagixisada ah ay tahay inay Hor-is-taagaan rabitaanka shacabka oo ah inay nabad iyo barwaaqo gaaraan, taasna aysan marna suuro-gal noqon doonin.

"Waxaan u tacsiyeynayaa dadkii wax ku noqday falkan Argagixisonimo. Waxaana dadkii ku dhaawacay u rajeynayaa Caafimaad dhaqso ah, waana Weerar aan wax Shuqul ah ku lahayn diinteena saliimka ah. Waan hubaa inaan kooxaha argagixisada ah ka adkaanayno, mana dhacayso inay shacabka ka dhigtaan la-haysteyaal,” ayuu yiri Madaxweynuhu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Hawl-gallada sida wadajirka ay u fulinayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay cabsi weyn geliyeen Argagixisada, taasna ay dhalisay inay iyagoo naf-la-caarri ah beegsadaan shacabka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa ku boorriyay Ciidamada Amaanka inay kordhiyaan feejignaantooda, isla markaana ay hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha nabadda diiddan soo dadajiyaan.

Si kastaba ha ahaateen, weerarkan ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo sheegay inay ugu aar-gudayeen dad shacab ah oo ay sheegeen inay ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ay dhawaan ku dileen deegaanno ka tirsan Gobollada Bakool iyo Bay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya