4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
SIILAANYO: Go’aanka Guurtidu Waa sharci, Waxaase la yaab leh inuu Cirro yiraahdo Waa Sharci-daro


Axad, Luuliyo 26, 2015 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muddo kordhinta loo sameeyey xukuumadiisa iyo baarlamaanka, isla markaana u jawaabay gudoomiyaha baarlamaanka oo naqdiyey muddo kordhinta loo sameeyey madaxweynaha.

Sidaas wuxuu ka sheegay shirjara’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu sheegay inuu safar shaqo ugu baxayo Gobollada Bariga kaasoo uu ka billaabi doono Berbera.

"Go’aanka Guurtidu waa mid sharci ah, dastuurina ah, waxaana la yaab leh in Guddoomiye C/raxmaan Cirro yiraahdo waa sharci-darro, waxaana la wada og-yahay inuu isagu ku fadhiyo korodhsiimada guurtida,kuna fadhiyey 5 sanadood oo hore. Waxaa muuqata in uu Gudoomiye Ciro leeyahay kursiga aan ku fadhiyaana waa xaraan ka uu isagu ku fadhiyaan waa xalaal iyadoo guurtidu noo wada kordhisay balse shacabku indhahooda way qabaan oo dhegahooda way qabaan waxaana muuqata in hogaamiyayaasha mucaaradku kala korran yihiin,dhawaaqyada kasoo baxayaana ay muujinayaan in ay qaarkood ku degdegayaan hadalo dhiif leh oo niyad-jab ku ah Shacbiga iyo Jiritaanka Qarannimada Somaliland. Sharciguna maaha wax qofku sida uu jecelyahay u turjunto ee waa sharci dalku leeyahay oo dadka ka dhexeeya”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo u jawaabayey Guddoomiyaha golaha Wakiiladda.

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey heshiishkii xisbiyadda mucaaradka iyo xukuuumadda dhexmaray iyo waxa ay u fulin waayeen waxa uu yidhi “Wixii ay xisbiyadu ku heshiiyeen ee madaxweyne-xigeenku ku dhex-joogay waxay ahayd heshiis ah maslax siyaasadeed waana u hogaansanahay,waana ixtiraamaynaa kamanaaanu bixin balse,weli lama sharciyeyn waxaana aanu leenahay aynu sharciyayno,oo guurtida ka dhiraan dhirinno."

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey doorashooyinka waxa uu yiri. “Waxaan leeyahay anagu waanu diyaarinay wax kastaoo ay doorashooyinku u baahnaayeen, haday tahay dhaqaale, Xeerar, Komishinkii maamulayey, dhamaan waanaga diyaar, waxa keliya ee hadhsani waa Xeerka golaha wakiilada oo laga sugayo Gudoomiyaha golaha wakiilada. Wax kasta oo khuseeya maamulida arimaha doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka doorashooyinka waana ku ixtiraamaynaa, waanaka sugaynaa ee dhamaanteenaan la shaqayno marka ay diyaariyaana qofkii danaynayaa ha u soo diyaar garowbo garoonka doorashada”.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay garsoorayaal cusub, halka qaar kalana uu shaqaddii ka eryay.

Garsoorayaashan ayaa noqonay Garsoorayaasha Maxkamada Sare, kuwaasoo ka kooban sideed xubnood.

Garsoorayaasha ayaa kala ah:

1. Axmed Diiriye Qaalib.
2.  Cali-shucayb Sh. Ibrahim Nuur.
3.  Maxamed Faarax Siciid.
4.  Cabdiraxmaan Xasan Nuur.
5. Cabdillaahi Cabdi Adan.
6. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.
7. Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan.
8. Yaxye Cali Idiriis.

Sidoo kale, Wuxuu Xilkii ka Qaadday Saddex Garsoore oo ka mid ahaa Garsoorayaashii Maxkamada sare, kuwaasoo kala ah:

1. Yaasiin Xasan Ismaaciilm
2. Axmed Xasan Dirir.
3. Cabdiraxmaan Madar Caraale.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland