4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo si Kulul u Dhaliilay Sharciga La-dagaalanka Argagaxisada


Axad, Luuliyo 26, 2015 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa ku tilmaamay sharciga argagixiso la-dirirka oo ay Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia ay horgeysay Baarlamaanka Somaliamid aan Waafaqsanayn Dastuurka dalka u yaalla.

Kulanka looga doodayay sharcigan ayaa waxaa ka qaybgalay 141-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somalia, Waxaana Golaha Hortiisa ka Akhriyay Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo sheegey in sharcigan uu ka kooban yahay 36 Qodob.

Wasiirka oo sharraxayay Waxa loola jeedo Argagixiso ayaa yiri. “Argagixisadu waa fal kasta oo lid ku ah Nolosha dadka, Hantida iyo Nidaamka, loona fuliyay si aan kala sooc lahayn, Ujeeddadiisu tahay in la Wiiqo Awoodda Qaranka oo ay ku jirto cabsi-gelinta shacabka Soomaaliyeed, lana duudsiiyo Xuquuqdooda.”

Qodobbada kale waxaa ka mid ah in Qofkii taageera Kooxaha loo Aqoonsaday Argagixiso lagu Ciqaabi doono shan sano oo Xarig ah, kan Hanti ku bixiyana lagu Ciqaabi doono 10-sano oo xabsi ah.

Sidoo kale, qodobbada ku jira sharcigan ayaa ah in hantidiisa lala wareegi karo Qofka lagu soo qabto falalkaas, iyadoo ciidamada fasax loo siinayo inay si toos ah u dhageysan karaan iyo xiriirta is-gaarsiineed ee qofka, si looga helo caddeymo lagu maxkamadeyn karo.

Intaas kaddib, xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa loo fasaxay inay ka dhiibtaan aragtidooda sharcigan, iyadoo xildhibaankii ugu horreeyay oo hadlay oo ahaa Xildhibaan, Ciise Weheliye Maalin uu yiri. “Sharcigan Wuxuu uu kasoo horjeedaa Dastuurka, wuxuu xadgudub ku yahay Xuquuqda Aadanaha, waxaana la baal-marayaa shuruucda ciqaabta ee waddanka u taalla, waana wax la rabo in lagu cuburiyo Madax-bannaanida Shacabka.”

Xildhibaanad Ubax Tahliil oo iyana aragtideeda dhiibatay ayaa tiri. “Sharcigan waa mid Ummadda Soomaaliyeed lagu baabi’anayo, waxaan hadda ognahay in shacabka dhulkoodii dan guud lagu qaatay; balse shacab kale la siiyay, Waxaan og-nahay 71-qof oo Sirdoonka u xiran, waxay ku xiran yihiinna aan weli la ogeyn. Marka waxaan wasiirka ka codsanayaa in Sharcigan dib ha loola noqdo, si loo soo saxo.”

Ugu dambeyn, Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ayaa walaac xooggan ka muujiyay sharcigan, iyagoo ku tilmaamtay mid xad-gudub weyn ku ah xuquuqda Aadanaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya