4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Ciidamada Sirdoonka Somalia oo Koontaroollo ka Sameystay Waddooyin ku yaalla Muqdisho


Axad, Luuliyo 26, 2015 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda Soomaalia ayaa fariisimo ka Sameystay Baro koontarool Waddooyinka ka tirsan Muqdisho, kuwaasoo aan horay u jirin, iyadoo Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka ay ku Sheegeen inay Koontaroolladan Qayb ka yihiin Qorshayaasha lagu sugayo amniga Caasimadda Somalia.

Waddooyinka ay baraha ka sameysteen ciidanka Sirdoonka Somalia ayaa waxaa ka mid ah; Yaaqshiid, Dayniile iyo Kaxda oo aan horay u lahayn baro koontarool, waxaana ka mid ahaayeen Waddooyinka laga soo galo Muqdisho, marka saddex waddo oo waaweyn laga reebo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Somalia, Maxamed Yuusuf ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay in ciidamada hay’adda nabad-sugidda ay baro koontarool oo cusub ka sameysteen Waddooyinka dhexmara Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Baraha Koontarool waxaa laga sameeyay Waddooyin dhexmara xaafado ka tirsan saddex degmo oo Muqdisho ku yaalla. Ujeeddaduna Waa in inay ku Koontaroollaan gaadiidka ka dhuumanaya waddooyinka waaweyn ee doonaya inay maraan waddooyinka xaafadaha ku yaalla si ay dhibaato u geystaan. Kuwaa oo habeen iyo maalin ay ciidamadu baaritaanno ka sameyn doonaan,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Gaadiidka Qaraxyada ka geysta Muqdisho ay mar Walba Hareer maraan Waddooyinka ay Koontaroolladu yaallaan, isagoo Xusay in Gaadiidkii soo mara Waddooyinka dhuumaaleysiga ah laga Qaadi doono tallaabo sharciga Waafaqsan.

Ugu dambeyn, Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay baro Koontarool ugu labaa Waddooyinka Waa-weyn ee Muqdisho, Kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa laga soo galo Magaalada Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya