4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Dagaal Culus oo Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku Dhexmaray Gobolka Gedo


Axad, Luuliyo 26, 2015 (HOL) — Dagaal culus oo mudo saacado ah socday ayaa ciidanka Dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhex-maray Deegaanka Carra-case ee Gobolka Gedo, kaasoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Wararka ayaa intaas ku daray in Deegaanka uu Dagaalkan Culusi maanta ka Dhacay uu u Dhexeeyo Degmooyinka Balad-xaawo iyo Garbahaarey oo ah xarunta Gobolka Gedo uuna 50-KM dhanka Waqooyi kaga beegan yahay Garbahaareey, iyadoo dagaalkan uu Qarxay kaddib markii Ciidamada Dowladda FS iyo kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow deegaanka lagu dagalamaya ayaa u sheegay Warbaahinta Qaarkeed inay maqlayeen hub culus oo dhinacyadu ay u adeegsanayeen dagaalka, iyadoo dhinac walba uu guulo ka sheeganayo, balse si dhab ah looma illaa hadda khasaaraha ka dhashay inta uu le’eg yahay.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas raacinaya in weli Ciidamadii Dagaallamay ay isku Hor-Fadhiyaan Deegaanka uu Dagaalku ka dhacay, iyadoo aysan jirin cid Madax-bannaan oo dagaalkan iyo khasaarihii ka hadashay.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa mararka qaarkood waxaa ka tagaysay is-gaarsiinta; iyadoo mararka qaarkoodna ay dib u soo laabanaysay, waxaana uu dagaalkan noqonayaa kii ugu xoogga badnaa ee ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmara Gobolka Gedo tan iyo Markii Al-shabaab lagala wareegay Degmooyinka Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkan saacadaha badan qaatay, waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya