4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay deegaanka Moqokori Gobolka Hiiraan
Axad, Luulyo, 26. 2015 (HOL) - Labo ruux ayaa ku dhimatay afar kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, qarax fiidnimadii xalay ka dhacay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo dhawaan ay la wareegeen ciidammada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo is-garabsanaya.

Labada ruux ee dhimatay iyo tirada kale ee ku dhaawacantay qaraxa ayaa dhimaantood ahaan dhalinyarro aad u da'yar, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo la xiriira sidda uu qaraxu dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhashay mid ka mid ah rasaasta qoriga 7-ka, oo ay dhalinyarru ku cayaarayeen, halka warar kalana sheegayaan in qaraxu ahaa mid ka dhashay miino dhulka ku aasneyd.

Hasse ahaatee saraakiisha ciidammada ayaa sheegay in waddaan baaritaan la xiriira sidda ay wax u dhaceen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la keenay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya