4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2015
Cayaarihii Kubadda Cagta ee Somali-Week oo ka billowday Magaalada Toronto (SAWIRRO)

Axad Luuliyo 26, 2015 (HOL) - Waxaa si habsami leh uga Socda Magaalada Toronto ee Dalka Canada Cayaarihii Kubadda Cagta ee SomaliWeek oo Sannadkiiba mar la Qabto. Cayaarahan oo la Qaban jiray 26-ka Juun iyo 01-da July ayaa Sannadkan dib loo dhigay Bisha Barkeysan ee Ramadaan Awgeed.

Afhayeenka Cayaarahan SomaliWeek, Mudane Baashi Cali Baashi ayaa HOL u sheegay in cayaaraha SomaliWeek ay ka duwan yihiin kuwii xilliyadii hore uga dhici-jiray Magaalada Toronto, maxaa yeelay waxay kusoo beegmeen Sannad-guuradii 25-aad markii la aasaasay cayaarahan SomaliWeek oo ahayd 1990-kii. Waxaana kasoo Qayb-geli doonaa shaqsiyaad magac weyn ku leh Isboortiga iyo Bulshada Soomaaliyeed oo kala Imaan doona Dunida oo dhan; ayuu yiri Baashi Cali Baashi.

Natiijada Ciyaarihii dhacay Bishan July 24-keedii iyo 25-keedii:

24/7/2015;
Hilaac 1: 0 Dixon
Xiddigaha 4: 0 Kitchener
Seef 2: 2 Windsor

25/7/2015;
Banaadir 2: 1 Hamilton
Hilaac 3: 1 Rochester, NY
Ottawa 1: 1 Xiddigaha

Ciyaarahaan SomaliWeek ayaa la rajeynayaa in ay soo gabgaboobaan bilowga bisha August.

Halkan kala soco Cayaaraha SomaliWeek ee Toronto 2015-ka

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya