4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
DHAGEYSO: Cawad Casharo oo soo Dhaweeyay Magacaabidda Xisaabiyaha Guud ee Qaranka


Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Kaddib markii Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Max'uud uu Shalay Magacaabay Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ayaa Waxaa si weyn u soo dhaweeyay siyaasiyiin & waxgarad Soomaaliyeed oo ku sugan Gudaha iyo Dibadda Dalka.

Mudane Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah Siyaasiyiinta jagooyinka kala duwan kasoo qabtay dowladihii Soomaaliya soo maray ayaa isagoo u Warramayey Warbaahinta sheegay inuu soo dhaweynayo Magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, isla markaana Farta ku Goday in loo Baahan yahay in si dhab ah Loola Xisaabtamo Hay’adaha Dowladda Somalia si loo Maamulo Qaran oo Nadiif ka ah Musuqmaasuqa.

Sidoo kale, Casharo ayaa Daboolka ka rogay in lunsashada Hantida Qaranka Soomaaliyeed ay Ragaadinayso Dowlad xoog badan oo dalka ka dhalata, loona baahan yahay in si wada-jir ah meel looga soo jeesto la-dagaalanka Musuq-maasuqa, isagoo Baarlamaanka Somalia ku booriyay inay si dhab ah ula Xisaabtamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

DHAGEYSO: WAREYSIGA UU CAWAD A. CASHARO SIIYAY SAXAAFADA;

Dhinaca kale, Hadalka Casharo ayaa kusoo beegmaya kaddib markii uu dhawaan uu Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka uu sheegay inay Sannadkan xoojiyanaan la-dagaalanka Musuq-maasuqa si loo yareeyo Lunsashada Hantida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa Wareegto uu Shalay soo saaray Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ugu magacaabay, Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) oo noqonaya midkii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Xasan magacaabo tan iyo markii la doortay Hoggaanka Soomaaliya daba-yaaqadii Sannadkii 2012-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya