4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
Diyaarado dagaal oo Duqeymo ka geystay duleedka Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo

Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay duqeymo ay maanta ka geysteen diyaaradaha dagaalka ee Kenya duleedka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Gobolka Gedo.

Deegaannada ay diyaaraduhu duqeeyeen ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo ay ku noolaayeen reer guuraa xoolo dhaqato ah, waxaana deegaanka la duqeeyay lagu magacaabaa Laan-Qurac.

Nabaddoon Idiris Aadan Nuur ayaa u sheegay Warbaahinta in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dadkii reer miyiga ahaa oo ku noolaa deegaannada ay diyaaradaha Kenya duqeeyeen.

“Waxaa ku jiray dadka ku dhintay duqeynta ay Kenya geysatay Maanta Carruur ku jiray dugsi Qur’aan oo ay diinta ku baranayeen, “ayu yiri Nabaddoon Idiris Aadan oo Warbaahinta uga Warbixinayay khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ahaayeen kuwo bartilmaameedsanayay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo Weerarro ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Ugu dambeyn, diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa horay duqeymo ay dad rayid ah iyo xoolo ugu dhinteen ugu geystay Gobollada Jubbooyinka & Gedo, iyadoo ay sheegaan saraakiisha Kenya inay beegsadeen saldhigyo ay lahayd Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya