4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
Shacabka ku nool Baardheere oo billaabay inay Barakacaan iyo Ciidan ku Wajahan Degmadaas


Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in shacabka degmadaas ay billaabeen inay ka barakacaan guryahooda, kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM la sheegay inay u jiheysteen degmadaas oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegaya in shacabku ay ka baqdin qabaan in lagu dul-dagaalamo, iyadoo barakaca dadweynuhu uu degmada ka billowday shalay oo Sabti ahayd.

Sidoo kale, Wararka laga Helayo magaalada Baardheere ayaa Sheegaya in Qoysaska ka Barakacaya degmadaas ay isugu jira haween, caruur iyo waayeel ay u jiheysteen dhinaca degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, sida Luuq, Ceel-Waaq iyo kuwo kale.

Xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay dhaq-dhaqaaq ciidan kawado gudaha degmada Baardheere, waxaana dadka ay ugu baaqayeen inay dagaalka kala qayb-qaataan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo kumannaan askarta Itoobiya ah ay kasoo gudbeen dhawaan xadka ay Somalia iyo Itoobiya wadaagaan, kuwaasoo gaaray Gobollo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo ayaa Sheegay inay Rajeynayaan in Al-shabaab laga saaro maalmaha soo socda Degmada Baardheere oo ah tan keliya ee ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo oo dhan.

Ugu dambeyn, degmada Baardheere oo caan ku ah wax soo saarka Beeraha ayaa daris la ah Gobolka Jubadda Dhexe ee Soomaaliya, waxaana ciidamada huwanta ay doonayaan inay kaga tallaabaan Jubbada Dhexe, halkaasoo si buuxda ay gacanta ugu hayso Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya