4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 12, 2015
Guri ay deggen yihiin Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur-galbeed oo Bam lagu Weeraray


Axad, Luuliyo 12, 2015 (HOL) — Guriga ay deggen yihiin Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia ayaa Bam-gacmeed lagu weeraray xalay, iyadoo bamka uu geystay khasaare dhaawac ah.

Maxamed Isaaq Ibraahim (Afloow) oo ahaa Guddoomiye ku Xigeenkii hore ee Magaalada Baydhaba ayaa warbaahinta u Sheegay inay qabteen ninkii Bam-gacmeedka kusoo Tuuray dhismaha ay deggen yihiin, kaddib markii ilaaladiisa ay ku fureen rasaas uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa sheegay inay ninkan u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Baydhabo halkaasoo uu ku xiran yahay, mana jiraan wax khasaare ah oo Xubnahan kasoo gaaray weerarkii bambaano ee xala lala beegsaday gurigooda.

Dhanka kale, Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ayaa ku sii socda deegaannada ay Gobolka Bay kaga sugan yihiin xoogagga Al-shabaab sida degmooyinka Diinsoor, Ufuroow iyo Idaale.

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo ku Sugan Gobolka Gedo ayaa iyagana kusii-jeeda degmada Baardheere oo ka mid ah Degmooyinka Gobolkaas ayna Gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo