4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
Madaxweynaha Dalka Burundi oo Kordhiyay Waqtiga Doorashada Madaxnimo ee Wadankiisa


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Burundi ayaa xilliga loo kordhiyay, kaddib Wareegto kasoo baxday maanta oo Sabti ah Xafiiska Pierre Nkurunziza, taasoo lagu sheegay in doorashadu ay socon doonaan illaa 21-ka bishan July.

Xilliga loo Qabtay doorashada madaxnimo inay kusoo gaba-gabowdo 15-ka Bishaan July ayaa la sheegay inay Carqaladeeyeen dibadbaxyo iyo rabshado dalkaas ka dhacayay tan iyo markii ay ka billaabatay doorashada, kaddib markii mucaaradka Burundi ay ka Caroodeen ka qayb-galka uu doorashada ka Qayb-galayo Madaxweynaha Dalkaas oo doonaya in mar kale uu dalkaas xukumo shanta sano ee soo socota.

Waddamada EAC oo isku dayaya inay xiisadaha ka taagan dalkaas xalliyaan ayaa Isniintii lasoo dhaafay ka dalbaday Madaxweyne Nkurunziza inuu dib u dhigo Doorashada Muddo laba Toddobaad ah oo ku beegan 30-ka Bishan July, si loo xaliyo dhexdhexaadiyo Xisbiga Xukunka haya ee CNDD-FDD iyo Isbahaysiga Mucaaradka ah.

Doorashadii baarlamaanka dalka Burundi oo uu guul weyn ka sheegtay xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweynaha ee talada haya oo dhacday 29-kii bishii May ee la soo dhaafay ayaa waxaa kasoo horjeestay asxaabta mucaaradka ah, iyadoo sidoo kale ay Beesha Calaamku Cambaareysay.

Mucaaradka iyo Ururrada Xuuquqda Aadanaha ee Dalka Burundi ayaa sheegay in Pierre Nkurunziza oo dib loo doorto ay la midno tahay in la jabinaysa dastuurka dalkaas u yaalla, iyagoo Xusay in Labadii xilli ee uu madaxweynuhu xaqa u lahaa inuu Xukunka hayo ay u dhammaatay.

Sidoo kale, Isbahaysiga Mucaaradka Burundi ayaa ku doodaya in Doorashada Madaxnimo ee xilliga loo kordhiyay aysan ahayn mid ku dhacaysa si xaq ah, marka la eego howlgallo ay sheegeen in ciidamadu ay ku dhibaateynayaan shacabka oo ka socda dalkaas.

Dhanka kale, warbaahinta madaxa-bannaan ee dalkaas ayaa gabi ahaan albaabada la isugu dhuftay, kaddib markii la Weeraray dhowr idaacadood kuwo kalena la Burburiyay intii ay rabshaduhu ka socdeen dalkaas, kuwaasoo qaarkood lagu eedeeyay inay gacan ka geysteen af-gambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay Bishii May ee Sannadkan.

Ugu dambeyn, in ka badan 70-qof ayaa lagu dilay Rabshadihii Dalkaas ka socday Tan iyo bishii Abriil ee Sannadkan, iyadoo 158,000 oo Ruux oo kalena ay Dalkaas isaga Carareen, kuwaasoo magan-galyo ahaan u galay Waddamada dariska ah, sida ay sheegtay Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya