4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 11, 2015
Askarta AMISOM oo laba qof oo Rayid ah ku dilay Degmada Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose


Sabti, Luuliyo 11, 2015 (HOL) — Askar ka Tirsan Ciidanka AMISOM ayaa la Sheegay inay maanta dad rayid ah ku toogteen Magaalada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii Qarax lagu weeraray.

Ciidamada AMISOM oo marayay Bartamaha Marko ayaa wararku sheegay in lagu tuuray bam-gacmeed, taasoo aan khasaare gaarsiin ciidamadii AMSIOM, balse ay rasaas billaa-been ciidamada qaraxa kaddib, xabadahaas oo ay ku dhinteen laba qof oo shacab ayna ku dhaawacmeen laba kale.

Labadii qof ee ku dhaawacmay rasaasta ay fureen askarta AMISOM ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladdoodu aad u liidato, loona soo qaaday dhaawacyadooda magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Mid ka mid ah Dadka ku nool Marko ayaa laga oo xigtay ciidamada AMISOM ay hakad geliyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka degmada Marko, iyagoo weli kor u ridaya rasaas.

Ugu dambeyn, Ciidamada AMISOM ee ku sugan Marko ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxaa loogu weeraray bam-gacmeedyo iyo waxyaabaha kale ee Qaraxa ay ka dhashaan, iyadoo ciidamadu mar walba oo la weeraro ay rasaas furaan.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin khasaaraha ay ciidamadooda ku sugan Marko u geysteen dadka shacabka ah; kaddib markii Qarax lagu weeraray, iyadoo ay ka mid tahay degmada goobaha ay inta badan qaraxyada kula kulmaan ciidamada AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya